Shukri Xaaji Ismaacil oo xalay New York lagu guddoonsiiyay abaalmarin (Dhageyso)

    Updated About:151 days ago

    Shukri Xaaji Ismaacil Bandare Shukri Xaaji Ismaacil Bandare oo xalay magaalada New York lagu guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah.

    Shurkri waxay madax u tahay hay’ad lagu magacaabo Candle Light oo ka shaqeysa Somaliland.

    Shurgi waxaa abaalmarintan guddoonsiisay ururka xasaraddaha caalamiga ka shaqeeya ee ICG waxayna ku mutaysatay waxqabadkeeda ku aadan horumarinta waxbarashada iyo deeggaanka.

    Shurki waxay barnaamijkan uga hadlaysa abaalmarinta lagu guddoonsiiyay waxay ka dhigan tahay iyo waxay ku kordhin karto ama ka beddeli karto shaqadeeda.  VOA

    Abaal-marintani oo sannad walba magaalada Newyork lagu qabto isla markaana ah abaal-marinta labaad ee ugu caalamisan marka laga yimaado Nopel Prize-ka ayaa waxaa bixiya Urur lagu magacaabo Crisis Group oo daraasadeeya dadka naftooda u hura inay qayb weyn ka cayaaraan badbaadinta iyo gargaarka dadkooda ururkaasi oo la shaqeeya dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

    Munaasabadda waxaa abaal-marinta guddoonsiin doonta Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka marykanka Hillary Clinton waxaana ka soo qayb gelayo masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dawladda maraykanka, Qaramada Midoobay iyo dalalka reer galbeedk

    Dhageyso Wareysigii Shukri Xaaji Ismaacil Bandare (VOA)

    Play

    Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com
    midnimo12@googlemail.com

    Comments (0)

    Leave a Commnet