Waxaa maalmihii u danbeeyay dagaal dhanka Internetka uu ka dhex bilowday Ururka Al-Shabaab iyo Dowladda Kenya, kadib markii labada dhinac ay bogga Twitter-ka ay ku soo bandhigayeen warbixinada iyo guulaha ay kala gaareen dhinacyadaasi, taasoo keentay in dadyow badan ay ku xernaadaan bogga Al-Shabaab uu ku leeyahay Twitter-ka.
Arintani ayaa waxaa ay keentay in Dowladda Mareykanka ay ka hadasho soona farageliso dagaalka labada dhinac u dhaxeeya, waxaana Afhayeen u hadlay Mareykanka uu sheegay in ay soo afjari doonaan dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan bogga Twitter-ka.
Afhayeen u hadlay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nairobi ayaa sheegay in shirkadda iska leh bogga Twitterka ay kala hadleen sidii loo baabi’in lahaa bogga Al-Shabaab uu ku leeyahay Twitterka kaaso oo cinwaankiisu uu yahay http://twitter.com/HSMPress, waxaana dhawaan lagu soo bandhigay documentiyo ay lahaayeen ciidamadii Brundi ee lagu dilay degmada Dayniile.
Afhayeen u hadlay shirkadda Twitter oo la yiraahdo Matt Graves ayaa isna sheegay inay eegi doonaan codsiga ugu yimid dowladda Mareykanka ee ku aadan xanibaada bogga Shabaab ee Twitter, inkastoo uusan sheegin xiliga la xerayo.
Afhayeenka ciidamada Milateriga Kenya ayaa isna bogga uu ku leeyahay Tiwitterka oo cinwaankiisu yahay http://twitter.com/MajorEChirchir ayaa dad badan ay ku xeran yihiin, wuxuuna lid ku yahay bogga kale ee shabaab, kaasoo fariimaha dagaalka isku dhaafsadaan.
Labadan bog ayaa xiisaha ugu badan yeesho xiliyada ay dhacaan dagaalada labada dhinac oo warbixinada ay wakaaladaha wararka kala baxaan dadkana ay kala socdaan hadba wixii ay soo bandhigaan dhinacyadaasi.
BoggaTwitter oo xaruntiisa tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa adeegsada dad ka badan 120 Million oo caalamka ku nool, sidoo kale waxaa adeegsada Madaxda caalamka sida Madaxweyne Obama iyo madaxda kale ee caalamka.
Ali Muhiadin Ali
Midnimo Team.
Muxiyaddiin@hotmail.com
Twitter: http://twitter.com/@AliMuhiaddin
Facebook: http://www.facebook.com/alimuhiaddin
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
Insha allaah gaalo wey jabayaan
Allow guley mujahidinta calamka amin allow jiwi galada calamka amin