Dadka Kuuriyada Waqooyi oo bilaabay aaska hogaamiyahooda (Sawiro)

    Updated About:141 days ago

    Dalka North Korea ayaa waxaa ka bilowday laba maalin oo aas qaran loogu sameynayo hogaamiyahoodii geeriyooday Kim Jong-il iyadoo caasimada Pyongyang la dhigay naxash lagu wado meydkiisa.

    Muuqaalka fiidiyoo laga duubay ayaa muujinaya tobaan kun oo askari oo wajiyadooda hoos u foorara iyaga oo sharafaya meydka Mr Kim oo naxashkiisa si tartiib ah wadada loogu kaxeeynayey.

    Wiilkiisa oo la filayo inuu xilka kala wareego Kim Jong-un, ayaa dhinac soxday naxashka sida laga arkay sawiro uu so bandhigay TV-ga qaranka.

    Kim Jong-il ayaa u dhintay wadna xanuun 17-ki December, isaga oo da,diisu aheyd 69 taasi oo murug weyn gelisay dalkaasi.

    Mudo 10 maalin ah ayuu meydkiisa yaalay qasriga madaxtooyada iyadoo dadkana ay intasi baroor diiq u sameynayeen.

    Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
    midnimo12@googlemail.com.

    Comments (0)

    Leave a Commnet