Sanadkaan dhamanaya ee 2011 waxaa jiray 10 haween oo warbaahinta caalamka ka galay qodobada hore ee wararka aduunkana si weyn loogaga bartay.
Dumarkaasi waxaa ay kala yihiin Gabrielle Giffords, Adele, Eman al-Obeidi, Pippa Middleton, Nafissatou Diallo, Li Na, Princess Charlene, Michele Bachmann, President Dilma Rousseff, the Duchess of Alba, Corporal Kelsey de Santis, Sweetie .
Hadaba waxaan idin soo qaban doonaa oo aan idiin faah faahin doonaa mid walba iyo bisha ay qabsatay wararka caalamka.
JANUARY: Gabrielle Giffords
Gabadhaan waxay aheyd haweeneey ka tirsan Kongareeska Mareykanka waxa toogtay nin hubeysan iyada oo isu diyaarineysa in ay dadkeeda kula kulanto magaalada Tucson, Arizona.
Ninka oo ku hubeysan qori ayaa madaxa ka toogtay, waxa ku dhintay shilkaasi lix ruux halka ay ku dhaawacmeen 13 kale oo ay ku jirtay Gabrielle Giffords, laakin gargaar dag dag ah oo loo fidiyey ayey marki danbe uga soo kabsaday.
Wareysi ay siisay TV ayey ku sheegtay in bogsashadeedi ay aheyd mid aad u dhibbaneyd, hase hase yeeshee marki danbe waxay dib ugu soo laabatay shaqadeedii.
FEBRUARY: Adele
Gabadhaan waa 21 jir ku caanbaxday heesaha, waxaana ay isku soo saartay albamkeedii Like You oo ay ku heshay abaalmarinta Brit Awards, waxay noqontay gabadha kaliyah ee British-ka ah ee laba abaal marin isku hesha, albamkeedii Like You wuxuu noqday caalami iyadoo laga iibsaday 18 wadan, waxaa loo magacaabay qofka koowaad ee ugu caansan dhanka fanka iyo artiska gaar ahaan cod bixin ay sameysay majalada Billboard magazine waxay ka sara martay Rihanna iyo Lady Gaga.
MARCH: Eman al-Obeidi
Eman al-Obeidi waa 29 jir waxay soo jiidatay dareenka caalamka kadib marki iyada oo ooyeysa ay kula kulantay hotel Rixos wariyaal caalami ah iyo maxali iskugu jira, waxaa ay ka cabaneysay kufsi iyo jirdil ay u geysteen dagaalyahanadi hogaamiyihi hore ee Libya Muammar Gaddafi.
Waxay tusisay dhaawacyo iyo jirdil ka muuqday wajigeeda, iyada oo warki wada ayaa waxaa soo galay ciidamada Qadaafi oo kala eryey saxafiyiintii iyadiina xiray laakin marki danbe waa lasii daayey, hada waxay ku nooshahay Mareykanka oo ay ku joogto magan galyo.
APRIL: Pippa Middleton
Pippa Middleton waxa si weyn ula dhacay dadka reer Britian marki ay si hagaagsan usoo labisatay arooska walaasheed Kate oo uu aroosay amiirka leh dhaxalka boqortooyada Ingiriiska Prince William.
Sawiradeeda waxaa shaaciyey laba majalad oo kasoo baxdo Ingiriiska iyaga oo si qaldan u adeegsaday taasi oo dhalisay muran, gabadhaan oo ah 27 jir ayaa hada caan ka noqotay dalkeeda.
MAY: Nafissatou Diallo
Waa 32 jir kasoo haajirtay dalka Guinea, Nafissatou Diallo waxa ay sababtay shido badan oo marki danbana isu badashay qalalaase siyaasadeed oo dhex maray Mareykanka iyo Faransiiska marki ay ku eedeysay madaxi hore ee Hey’ada Lacagta Aduunka Dominique Strauss-Kahn inuu isku dayey inuu xoog ku kufsado hotel ku yaala magaalada New York gaar ahaan hoteelka Sofitel.
Siyaasigaasi Faransiiska ahaa oo ah 62 jir ayaa fadeexadaasi waxay ku qasabtay in la xiro iyo in uu is casilo.
JUNE: Li Na
Li Na waxay sameysay taariikh aanan wali laga dhigin dalka China kadib marki ay noqotay haweeneydi ugu horeeyey oo SHiinees ah oo ku guuleysata tartanka teeniska ee Grand Slam oo ah tartanka caalamiga ah ee dalka France.
Taasi waxay u sameyay sumcad weyn inkastoo shan bil ka hor ay ku qasaartay finalki tartanka teeniska ee Australian Open.
JULY: Princess Charlene
Princess Charlene waxay qabsatay maalmo warbaahinta caalamka marki uu guursaday boqorka dalka aadka u yar ee Monaco boqor Charlene Wittstock.
Waxay aheyd gabar uu dhalay nin ganacsade wax iibiya oo South African ah waxa aabaheed uu ka shaqeyn jiray iibinta waxyaabaha foota koobiga ah, waxaana yaab noqotay in ay noqotay xaaska mid ka mid ah boqortooyooyinka ugu caansan Yurub uguna qadiimisan ee Monaco.
Laakin arrimuhu si ayey isu badaleen kadib marki Ms Wittstock oo aheyd xidigad horay ugu guuleysatay abaal marinta Dahibiga ah ee Olombikada Aduunka ay dib ugu laabatay dalkeeda South Africa marki ay ogaatay qaar ka mid ah noloshiisa gaarka ah boqor amiir Albert.
AUGUST: Michele Bachmann
Michele Bachmann waa haweeneey xoog ku leh Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka, waxay ku guuleysatay doorashooyinka hore u dhaca ah ee gobolkeeda, waxaana loo aqoonsaday qofka kaliyah ee doorashooyinka soo aadan kula tartami kara madaxweyne Obama sanadka 2012.
SEPTEMBER: Dilma Rousseff
Waxay noqotay haweeneydi ugu horeysay ee noqota madaxweynaha dalka Brazil taasi oo ay Dilma Rousseff kusoo jiidatay dareenka aduunyada.
Waa haweeneey baratay dhaqaalaha sidaasi daraadeed waxay habeeysay dhaqaalaha dalkaasi.
OCTOBER: Xaaskii boqorki Alba
Waa mid ka mid ah haweenka ugu qanisan dalka Spain, Duchess of Alba mar kale ayey guursatay iyada oo 85 jir ah nin ka tirsan shaqaalaha dowlada oo lagu magacaabo Alfonso Diez Carabantes oo ah 24 jir.
Arooskeeda ayaa ka dhacay qasri ku yaala magaalada taariikhiga ah ee Seville, laakin guurkeeda waxaa ku kala qeybsamay qoyskeeda oo ka kooban lix caruur ah iyo ilmihi ay sii dhaleen oo ay ayeyda u tahay.
Waxay heysataa hanti lagu qiyaasay $4bn (Afar Bilyan oo doolar).
NOVEMBER: Corporal Kelsey de Santis
Corporal Kelsey de Santis, waa haweeneey ka tirsan ciidamada bada Mareykanka waxay ku nooshahay dalka Virginia, waxaa u rumowday riyo ay ku riyoon jirtay kadib marki heesaaga iyo atooraha caanka ah Justin Timberlake uu ka aqbalay casuumaad ay u marsiiyey barta YouTube si uu ugu kaxeeyo oo ay Marine Corps Ball.
DECEMBER: Sweetie
Sweetie, iyada iyo asaxabteeda waxaa lagu soo dhaweeyey garoonka caalamiga ah ee Edinburgh, kadib marki ay kasoo laabatay safar 11 saacadood qaatay oo ay ku tagtay Chengdu galbeedka China.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.