Soomaaliland oo fashilisay qarax lala damacsanaa buundada labaad ee Hergeysa

    Updated About:141 days ago

    Ciidamada milatariga Soomaaliland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax lala damacsanaa in lagu bur buriyo buundada labaad ee magaalada Hargeysa.

    Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa taliyaha Hogaanka Sahanka milatariga Somaliland, Cololen Maxamed Cabdi Cali ayuu ku sheegay in askari ka tirsan milatariga uu ka bad baadiyey laba nin oo soo xirtay indhashareer kuwaasi oo rabay in ay qarxiyaan Buundada cusub ee labaad ee laga dhisay gudaha magaalada Hargeysa.

    Mas,uulkaan ayaa intaasi ku daray in ay ka kala carareen boorso weyn oo ay ka buuxeen walxaha qarxa kuwaasi oo marki ay fiiriyeen ay ka heleen qaraxyo xadigoodu uu bur burin karay buundada iyo dhismooyin kale oo ka agdhawaa goobta.

    Labadaasi nin ayaa baxsaday sida uu korneelka u sheegay wariyaasha, isaga oo tilmaamay in ay hada ku daba jiraan ciidamada kale ee amaanka ee howlahaasi ku shaqada leh.

    Soomaaliland ayaa amaankeedu la adkeeyey, waxaana ciidamada ay ka shaqi qabaan in ay mar kale damacsanaayeen kooxahan laga fashiliyey qaraxyada in ay qal qal geliyaan amaanka.

    Horay waxa uu qarax uga dhacay Soomaaliland sanadki 2009 markaasi oo qaraxyo ismiidaamin ah ka dhaceen sadex goobood oo magaalada ah.

    Comments (0)

    Leave a Commnet