Maamulka Somaliland oo albaabada isugu dhiftay TV-ga Horn Caple

    Updated About:124 days ago

    Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xiray TV-ga Horn Caple ee xaruntiisu tahay magaalada Hargayesa.

    Inkastoo qeybti Sattelite-ka ee TV-ga uu wali shaqeynayo oo caalamka laga daawanayo ayaa hadana waxaa albaabada la isugu laabay xarunti Hargeya ee la hadli jirtay gudaha.

    Agaasimaha TV-ga Corn Caple ee magaalada Hargeysa Maxamed Cabdi Ilig oo caawa la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa xaqiijiyey in la xiray xarunti TV-ga ee Hargeysa, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada booliska ay ku amreen sidaasi.

    Xiritaanka TV-ga ayaa ka danbeysay saacado kadib marki uu madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu qudbad uu maanta ka jeediyey Hargaysa ku sheegay in Horn Caple ay sii daysay warar lig ku ah midnimada Somaliland.

    Horn Caple ayey Somaliland ku tuhmeysaa in ay soo tabisay shirki Khaatumo 2 oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyey magaalada Taleex.

    Khaatumo 2 ayaa laga soo saaray go,aano ay ugu muhiimsanaayeen in la sameeyo maamul goboleed taageersan dowlada KMG Soomaaliya oo laga hir geliyo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

    Horn Caple ayaa ah telfashin madax banaan oo ku hadlo af Soomaali, waxaana uu ku caan baxay tarjamada aflaanta musal salka ah ee ka hadla arimaha qoyska.

    Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
    midnimo12@googlemail.com.

    Comments (0)

    Leave a Commnet