Agaasimaha TV Horn Cable oo sharci daro ku tilmaamay xariga loo geystay telfashinkooda

    Updated About:123 days ago

    Agaasimaha Telfashinka ku hadla afka Soomaaliga ee Horn Cable ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga ay shalay ciidanka booliska Somaliland kula kaceen xarunti Telafashina ee magaalada Hargeya.

    Maxamed Cabdi Ilig, agaasimaha Horn Cable ayaa ku eedeeyey ciidamada booliska in ay si sharci darra ah u damiyeen xarunti qeybta gudaha la hadleysay ee TV-ga iyo qeybti satelite-ka ee ku taalay Naasa Hablood.

    Wuxuu sheegay xariga loo geystay TV-ga uu baal marsanyahay sharciga iyo qawaaniinta Somaliland aadna uu uga xunyahay hab dhaqanka ay booliska kula dhaqmeen shaqaalaha iyo maamulka TV-ga.

    “Ciidamada waxay noo yimaadeen iyaga oo aanan wadan warqad sharci ah oo maxkamadeed, waxaan u sheegnay in ay warqad sax ah la yimaadaan, anaga sharciga ayaanu naqaanaa waxa ay nagula dhaqmeen waa wax baal marsan sharciga,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Ilig oo la hadlay BBC-da.

    Agaasimaha Horn Cable ayaa sheegay in TV-ga uu mar walba ku howlanaa horumarka Somaliland iyo sidi dadka u uga haqab tiri lahaa dhinacyada kale sida ka shaqeynta nabada iyo horumarinta bulshada.

    Shalay ayaa ciidamada booliska magaalada Hargeysa xireen xarunti TV-ga uu ku lahaa magaalada Hargeysa, hase yeeshee qeybta satelite-ka ayaa wali shaqeyneysa waayo ma awoodo maamul dowladeed inuu jaro TV caalami ah ama Radio caalami ah oo ku xiran Satelite.

     

    Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
    midnimo12@googlemail.com.

    Comments (0)

    Leave a Commnet