Ururka Al Shabab ayaa si kulul u weeraray xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyaga oo shacabka uga digay in ay ka ag dhawaadaan.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska la socodka hey’adaha ajnabiga ah ee Al Shabab ee loo soo gaabiyo (OSAFA), ayaa lagu sheegay in horay loo xiray xafiiska UNPOS sidaasi daaraadeedna ay uga digeyso dhamaan shacabka.
Al Shabab ayaa ku eedeeyey xafiiska Qaramada Midoobay ee laga furay Soomaaliya in uu doonayo inuu sii kala qeybiyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu hagar daameeyo dadka muslimiinta ah.
Waxay ku sheegeen tani in ay ka danbeeyaan dowladaha Reer Galbeedka oo doonaya bey yiraahdeen in ay isku dayaan sii balaarinta qaska iyo xasilooni darrida dalka Soomaaliya oo ay iyagu ka danbeeyaan.
Ugu danbeynti qoraalka kasoo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay in barnaamijka roadmap-ka oo ay Qaramada Midoobay hogaanka u heyso uusan noqon doonin wax hir gala sida lagu yiri qoraalka.
Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ayaa loo soo raray gudaha dalka Soomaaliya 23-ki bishaan 16 sano kadib marki la sameeyey.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.