Maamul goboleedka Puntland ayaa si kulyl uga hadlay dil xalay degmada Baargaal ee gobolka Bari loogu geystay xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland C/samad Cali Shire oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay garanayaan qofki dilay marxuumka.
General C/samad ayaa carabaabay gacan ku dhiiglaha oo uu ku sheegay magaciisa Xareed Ciise Cumar, waxa uuna xusay in lasoo qaban doono isla markaana la waafajin doono sharciga.
Xareed oo horay uga tirsanaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay inuu xildhibaan Mire uu hada ka hor damiintay, hase yeeshee uu isagu gacantiisa ku sababay geeridiisa.
C/samad Cali Shire ayaa uga tacsiyeyey baarlamaanka Puntland, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo maanta la aasay.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.