Sidee loo qaybsaday inti kasoo hartay Puntland iyo Somaliland ee soomaalya?

    Updated About:101 days ago

    Shacabka Soomaaliyeed ee degan sedaxda gobol ee kala ah Banadir, Shabellaha dhexe iyo Shabellaha hoose ayaa waxay isku dayeen mudooyinkii ugu danbeeyay in ay maamul u sameeyaan kaas oo ay rabeen inuu ka mid noqdo federaalki lagu heshiiyay in Soomaaliya noqoto, markii dowlada ku meelgaarka ah ee hadda jirta la soo dhisay,.

    Haddaba dadkaan kasoo jeeda degaanadaan ayaa awoodi waayay in ay maamulkaan dhisaan, culayska u badana uga yimid Madaxweynaha ku meelgaarka Mudane Shariif Shiikh Axmed.  Arintaan ayaa noqotay mid aad loola yaabo, dad badanina ay fahmi waayeen sababta uu madaxweynaha ku meel gaarka ah uu isu hortaagay, iyagoo horana ula yaabanaa dhanka mas’uuliyadiisa madaxnimo oo aheyd in uu matal u noqdo ku xukunka xaqa Umada dhexdeeda, maadaama, ay u raacsantahay asluub Diini ah laakin noqday nin xitaa haleeli waayay xaq kala siinta degaanka uu dhalsho ahaan ka soo jeedo, iyagoo dad badani hadda aaminsan yihiin in Mudane Cabdiraxman Faroole oon lagu tilmaamin in uu yahay nin diini ah, uu kaga wanaagsan yahay dhowrista xuquuqda, marka la fiirsho habkuu u mareeyay deegaanada uu ka taliyo.

    Dhinaca kale dadka falanqeeya siysaada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha ku meelgaarka ah uu heshiis lagalay dalalka deriska ah iyo Hogaanka Amisom, kuwaas oo iyaga dana qaas ah ka leh dalka, arintaan ayaa waxay si fiican u soo shaac baxday markii Roadmapki Garowe lagu ansaxiyay, laguna sheegay in wixii aan hadda wax u dhisneen isaga uu masuul ka yahay, taas oo aan sax ahayn, weliba Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb xitaa lama aqoonsano, sida ay sheegeyso sirta la helay. 

    Dad badan ayaa la yaabanaa sida waxaan kusuura galayaan, waxaana baryahaan shacabka Soomaaliyeed wareeriyay waxa loo yaqaan ‘Non-paper’ ee ka hadla arimaha Soomaaliya oo ay ugu danbeeysay tii talyaaniga uu ku soo bandhigayay in maxmiyad la geliyo Soomaaliya, iyo warar badan oo kasoo baxaya shirka dowlada Ingriiska ay ku baaqday laguna wada in uu ka dhaco 23 Febraayo 2012.

    Arinta si kastaba ha ahaatee waxaan rabaa in halkaa aan ugu soo gudbino shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa dega koonfurta Soomaaliya sidi loo qeybsaday;  warbixin loo gudbiyay qaramada midoobey oo calaamadiisa tahay S/2012/74 soona baxay 31 Janaayo 2012 ayaa Amisom waxay ku codsatay in ciidamadeeda la gaarsiiyo 17,731 waxaa kaloo ay ku qeexeen sida ay u qabsanaayaan inta aan ka ahayn Somaliland iyo Puntland. OGOW AKHRISTE WAXEY XIRIIR LA LEEDAHAY IYADANA SHIRKA LONDON.

    I. Qeybta 1aad- Banaadir, Shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose waxaan qabanaaya ciidama ka socda Brundi iyo Uganda oo tiradooda gaarayso 9500

    II. Qeybta 2- Jubada dhexe iyo Jubada hoose waxaa qabanaayo ciidamada qalabkasida difaaca dalka Kenya oo tiradooda dhan tahay 4,700.

    III. Qeybta 3aad- Gedo, Bay, bakool iyo qeybta waqooyi ee Hiiraan ay qabsadaan 2500 ee ka tirsan 12000 ee laga keenayo Brundi iyo Uganda.

    IV. Qeypta 4aad- Galgaduud, Mudug iyo qeyb Hiiraan ka mid ah (Beledweyne) ay qabsadaa 1000 askari ee ka socda Dowlada Jabuuti.Haddaba waxaan.

    cadaan ah in Madaxweynaha ku meel gaarka uu ogolaaday in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed la baabi’iyo, maxmiyadna la geliyo qeybo dalka Soomaaliya ka mid ah, waxaa muhiim ah  in ay dadka qeybahaan maxmiyada loo soo agaasimayo degan ay Soomaaliya badbaadiyaan una kacaan dalkooda iyo dadkooda, Ragaan shabaabka la baxay u sheegaya in waqtigooda uu dhamaaday, haddii ay u sii dulqaataan in shabaab marmarsiya looga dhigto si maxmiyad loo geliyo gobolo mucayin ah, ay abuuri doonto Soomaaliyo oo dhan in gumaysi afrikaan loo adeegsado gasho, taasoo keeni doonta dhibaato baahda oo Soomaaliya ekeysay.

    Cabdiraxmaan Cali Warsame,  raas114@hotmail.com

    Comments (6)

    Leave a Comment
    The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

    1. Gamaal says:

      Somali intii ay iyadu is gumeysan laheyd ,cadow shisheeye ha gumeysto,, 20 kii sano ee la soo dhaafay, dad baa dad kale xoog ku heystay, haddii aan la soo fara gelinna ,lagama yaabo
      dadka xoogga loo sheegto inay xuquuqdooda helaan,,

    2. khaatumo says:

      ascwrwb somalia waa mid cidin kal goyn meyso hadii somalidu isu diyaariyaan iney midooban oo gacnta is qabsadaan oo doortan madaxweyne daacad ah oo sinaan iyo cadalad ku mamula dalka . ilahey dadka iyo dalkab ha noo xafido amiin

    3. Kamal says:

      Asc walal wad mahad santahay waxad soo heshay sir qurux badan waxan ku leyahay haka dalin in aad bararujiso musliminta jzkl

    4. walal wad ku mahadsantahay. Sida ad no bararujisay. Insha allah wan ka ceshaneyna gumeysiga dalkena. Somaliya somali ba leh.

    5. hersi says:

      qoraalka aad midnimow soo ogolaateen waa mala awaal waa wax qiime aan lahayn

    6. Sh X says:

      Walal aad ayaad u wanaagsan tahay oo waxaad ka hadashay waxa ay adiga kula tahay mid kale waxaana rabaa in aan kuu sheego qaabka wax soo bandhigida, warkaan sax maaha kuma lihi sax waayana kuma lihi laakinse cadeeyn ayaa fiiceeyd in aan keento so laguu aamino, dadka aad wax ka sheegeeyso waa Soomaali adiga sidoo kale Soomaaliya ayaa tahay qofkee la aaminaa, marka isu xishoo ee wax huban umada u sheeg.

      Mid kale ciidamada Amisom waxaa la gaarsiinayaa 17,731 ayaa ku sheegtay qoraalkaada hadana waxaad sheegeysaa in gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir ay ka howgalayaan 950 halkeeyn geeysay ciidanka kale ee Amisom , ninyahoow warkaaga shaki ayaa ku jira .

      Wabilaahi Towfiiq

    Leave a Commnet