Doorashooyinka madaxtinimada Masar oo dib loo dhigay

    Updated About:88 days ago

    Doorashooyinka madaxtinimada dalka Masar ayaa dib loo dhigay xilli shacabka Masar ay rajeynayeen in ay helaan madaxweynihi ugu horeeyey oo ay soo doortaan mudo sanada ah.

    Gudiga doorashooyinka ayaa ku dhacay in ay sheegaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi Hosni Mubarak.

    Saraakiisha gudiga doorashada ayaa rajo ka muujiyey sii socoshada hab nidaaminta doorashada, iyaga oo intaasi ku daray in waqtiga kama danbeysta ah ee doorashada ay gaari doonto dhamaadka bisha May.

    Hal sano ayaa kasoo wareegatay waqtigi ay dhacday dowladi madaxweynihi hore Xusni Mubaarak kaasi oo isaga dagay kursiga 11-ki bishi February ee sanadki tagay kadib 18 maalin oo xiriir ah oo ay dadku ku madaaharaadayeen wadooyinka.

    Mudaaharaadkaasi waxaa ku dhintay boqolaal ruux halka ay ku dhaawacmeen kumanaan kale.

     

    Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
    midnimo12@googlemail.com.

    Comments (0)

    Leave a Commnet