Shariif Xasan: Dadka waa in ay naga caawiyaan marxalada kala guurka

Updated About:2 years ago
0

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay dowlada  kala shaqeeyaan ka bixida waqtiga kala guurka.

Hadal uu maanta siiyey warbaahinta ayuu Shariifka kaga hadlay xaalada haatan loo dhawyahay in la galo xiliga kala guurka oo ah waqtiga ay dhaceyso dowlada KMG ah loona waregayo dowlad buuxda.

“Si dowladnimo loo gaaro waa in aan ka baxnaa xaalada kala guurka ah, qof walbo oo Soomaali ah waxaa la rabaa in arintaan ay gacan ka geysato, xukumada iyo shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay iska kaashadaan sidi loo soo xuli lahaa odayaashi ansixin lahaa dastuurka,” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Adan.

Dowlada KMG ayaa haatan ka shaqeyneyso sidi ay u gaba gabeyn laheyd ka gudbida ansixinta dastuurka, iyadoo uu ka socdo Muqdisho shir lagu soo xulayo odayaashi meel marin lahaa dastuurka.

Dastuurka ayaa shirka lagu ansixinayo la rajeynayaa in uu bilowdo 15-ka bishan May, iyadoo marka la ansixiyo uu qorshuhu yahay in lasoo xulo xildhibaanada baarlamaanka cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Comments are closed.