Shirki London ee TFG-da iyo Somaliland oo maanta furmaya

Updated About:334 days ago
0

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada London uu ka furmo shir marki ugu horeysay dhexmari doona dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland.

Shirkan oo socon doona mudo laba maalin ah ayaa waxa labada dhinac ay uga hadli doonaan mustaqbalka iyo aayaha Somaliland oo dooneysa in ay ka madax banaanaato Soomaaliya inteeda kale.

Dowlada Britian ayaa dooneysa in labada dhinac ay si niyad leh uga hadlaan arimahooda iskuna qanciyaan halka ay arintu u biya shuban doonto, oo ah in Somaliland ay raacdo Soomaaliya ama in Dowlada KMG Soomaaliya ay u ogolaato in Somaliland noqoto dal madax banaan.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in ahmiyadooda koowaad ay tahay madaxbanaanida Somaliland, halka wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/samad Macalin oo hogaaminaya wafdiga ka baxay Muqdisgho uu rajo ka qabo in wax walba ay ku dhamaan doonaan is afgarad.

Shirkan oo maanta furmaya ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo 21-ka oo ku beegan Khamiista berito ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Comments are closed.