Tarsan “Doorashadii Jabuuti beesha caalamka Nuur Cadde ayey wadeen, Shariifkana cid ku dooraneyso ma jirto ayaa la yiri”

Updated About:331 days ago
1

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo Todobaadkaan booqasho ku yimid magaalada Berlin ee dalka Jermalka ayaa wareysi uu siiyay Shabakadda Warfaafiye.com kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarka iyo dadaalada nabadeed ee ka socda magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay Tarsan in horumar la taaban karo maamulka Gobolka Banaadir uu ku tallaabsaday tan iyo markii xilka loo magacaabay.

“Muqdisho waa caasimadii dalka, horumarka muuqda ee hada ka jira waxay muujineysaa xasiloonida iyo nidaamka dib u soo noqday 21 sano kadib” ayuu yiri Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho in waxyaabo badan oo ay dhaliilsan yihiin ay jiraan, loona baahan yahay in la xaliyo, isagoo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda KMG oo u sheegay in loo baahan yahay wax ka badal howlaha ay qabtaan iyo dhinaca maamulka, taasoo cuuryaamineyso horumarka iyo howlaha horumarineed ee ka socda Muqdisho, walow uusan carabka ku dhufan.

“Dowladda waxay la degi la dahay Wasiir ama Agaasime ayaa lagu keenayaa reer Hebel, taasna waa mida Wasaaraddaha ay la degi la yihiin oo ay wax qabad muuqda la imaan waayeen” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

“Qolo Imaaraad ah ayaa iga dalbaday iney Isbitaal ka sameeyaan dhul Wasaarad Dowladdu leedahay, anigoo fiirinaya faa’iidada ay wadaan waxaan tusiyay dhul ay leedahay Wasaarad ka tirsan Xukuumadda, markii ay tageen ayaa Agaasimihii Wasaaradda ka horyimid oo diiday markaan u wacay oo l shaxaad ah u tuuro ayuu wuxuu igu yiri waa in Labo Boqol Kun Dollar aad i siisaa” ayuu sii raaciyay Tarsan.

Isbadal ayaa la filayaa in dalka uu ka dhaco bisha Agoosto, beesha caalamka waxay dadaal ugu jirtaa in hoggaan cusub dalku yeesho adiga ma is leedahay Madaxweyne Shariif dib ayuu u soo laabanayaa? ayaa weydiiyay wuxuuna ku jawaabay.

“Doorashadii Jabuuti beesha caalamka Nuur Cadde ayey wadeen, Shariifkana waxaa la dhahayay cid ku dooraneyso ma lahan, waxaan kuu sheegaa beesha caalamka inta Xldhibaanka qabtaan gacanta sanduuqaan codka ku shub ma dhaheyso, 100%- waxaan ku raja weynahay in Shariifka uu soo laabanayo doorashada dhici doonto Agoosto”.

Hadii aysan suuragelin in shariifka la doorto oo waji cusub uu yimaado adiga saameyn makugu yeelan doontaa maamul ahaan?.

“Dabcan aniga waxaa i soo magacaabay Madaxweyne, mid cusub hadii la doorto xilka waa leyga qaadi karaa, diyaar ayaana u ahay inaan wareejiyo” ayuu sii raaciyay Tarsan oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Madaxweyne Shariif dib u soo laaban doono doorashada dhici doonto bisha Agoosto.

Duqa magaalada Muqdisho wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in mudo gaaban kadib Muqdisho ay noqon doonto Muqdishadii lagu yaqiin, wuxuuna qurba joogta Soomaaliyeed ugu baaqay in dalkooda dib ugu soo laabtaan, kana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ali Muhiaddin Ali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Runle says:

    WARKAAN WAXBA KAMA JIRO MAXAA YEELEY MARKII WALAD CABDALLA UU SIIYEY SHARIIF 275 XILDHIBAAN OO UU GACANTIISA KU SOO QORTO AYAABA LOO BANEEYEY INUU NOQDO MADAXWEYNE.

    HADDANA HADDII SIDAAS AY WAX U DHACAAN , WAABA KU SOCOTAAYEE KA DIB MARKII AY ODEY-DHAQMEEDKA BUGTA AH AY SOO SAMEYSTEEN OO ILAA IYO HADDANA AAN LA XALIN, WAXEY U EKTAHAY TII DJIBUUTI OO KALE, LAAKIN TII ILAAHEEY AYEY NOQONEYSAA OO KELIYA INSHA ALLAH.