Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xaalada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay saakay la wareegeen ciidamada dowlada KMG iyo kuwa AMISOM.
Abaanduulaha hor boodayo ciidamadan oo ah Sareeye Guuto, Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in ka hor inta aysan qabsan Balcad ay gadaal soo marsadeen xeradi ciidamada ee Hiilweyne iyo Xeradii Taangiyada ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Caanood wuxuu sheegay in ay haatan ka baxeen magaalada Balcad 10-km isla markaana ay joogaan deegaanka Gololeey.
“Aniga waxaan hada joogaa saldhiga degmada Balcad ciidanka kuwiisa hore waxay joogaan meel Balcad u jirto 10-km dhanka magaalada Jowhar marka waxaan dhihi karnaa Jowhar waxaan u jirnaa 50-km,” ayuu yiri.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo xalay ka baxay magaalada, sidoo kale Al Shabaabka Jowhar ayaanan isna kasoo bixin wax war ah.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
Maa sha allaah ciidankeygoo haka caajisina in aad ka sifaysan wecelada