Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP)ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Sannad Guurada 52 aad ee ka soowareegatay markii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed laga taago geyiga Soomaaliya ahna maalintii ay xoroobeen GobolladaWoqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya.
Gudoomiyaha XisbigaAhna Murashaxa xilka Madaxtinimada Soomaaliya 2012 Prof. Xasan Sheekh Maxamuudayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 juun dhammaan shacabka Soomaaliyeed unarajeeyeyin Sanadkaan midka xiga ay ku gaaraannabad, barwaaqo, horumar iyo dowladnimo.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed xasuusinayaa geesinnimada aabbayaasheen ay ku suurtageliyeen midnimada. Midnimadaas oo aan caalmka kaga muteysannay sharaf iyo qaddarin dheeri ah. Waxaan hubaa in aaney wali naga dhammaan rag iyo dumar leh geesinimadaas, waanan ku guuleysaneynaa midnimada iyadoo loo maraayo waddada isqaddarinta, isxaqdhowrka iyo wadatashiga walaalnimo” Ayuu yiriGudoomiyaha Xisbiga Ahna Musharaxa xilka Madaxtinimada Prof. Xasan Sheekh.
“Si gaar ah waxaan ugu tahniyadeyneeynaa Walaalaheenna Gobolada waqooyi oo ayagu aas aas iyo buddhige u ahaa guushii ay Ummadda Soomaaliyeed xaqiijisay 26kii juun 1960, isla markaana horseeday midowgii Gobolada Soomaaliyeed iyo dhalashadii Jamhuuriyadda”
“Munaasabaddaan waxay ku soo aadaysaa xilli ay jirto ifofaale ay suutagal tahay in ay Jamhuuriyadda Soomaliya dib ugu midowdo waase haddii si fiican loo agaasimo fursaddaas bildhaantay”
Ugu dambeeyntiiXisbiga Nabadda iyo Horumarkaayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan taariikhdii gobonimo ee dalka Soomaaliya islamarkaana si wada jir ah looga shaqeeyo sidii dalkaan loogu soo celin lahaaqarannimadii iyo midnimadii umadda Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.