Madaxweyne Sh.Shariif oo Madaxda Somaliland kula kulmay Imaaraadka (Sawiro)

Updated About:330 days ago
1

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka carabta ayaa sheegaya in ay kulan fool kafool ah yeesheen Madaxweeynayaasha Somaliya iyo Somaliland.

Muxyadiin Cali yuusuf oo ah madaxa ladagaalanka Burcad-badeeda ayaa BBC-da usheegay in uu dhacay kulan u dhaxeeya madaxweynaha Doowlada federalka KMG Sheikh Shariidf Sheikh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Maxamuud Axmed Siilaanyo, kulanka labada masuul ayaa waxa uu dhacay mar uu soo dhamaaday wajiga koowaad shirka kasocda Dubai.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaarada arimaha dibadda isku tagga imaaraadka carabta, labada madaxweyne ayaa isgacan qaaday iyadoo ay isla galeen sawiro dhowr ahaa, intaas kadibna waxa ay goobta kajeediyeen hadalo kooban.

“Sheikh shariif ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu laqaatay madaxweyne Siilaanyo, sidookale Siilaanyo ayaa isna dhankiisa sheegay inuu diyaar uyahay in dowlada Kmg uu kala qeyb qaato ladagaalanka Argagixisada iyo burcad badeeda sidoo kale waxa uu sheegay in qadiyada gooni isku taiga Somaliland marnaba aysan gorgortan kagali doonin.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay kala saxiixdeen ilaa 4 qodob oo muhiim ah oo kala ah

1Iin lataageero shirkii 20-kii ilaa 21-june kadhacay magaalada London oo ay ka qeyb galeen ergo kasocotay labada dhinac

2-In lasii wado wadahadalada udhaxeeya Somaliya iyo Somaliland inta laga helayo natiijo

3-In ay siwada jir ah loola dagaalamo Burcad badeedka

4-In lasyku furo ganacsiga labada dhinac

Wixii warar soo kordho la soco

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. mursal says:

    Waxaan somaliland isku sheegaya oo uu horboodayo faysal cali waraabe iyo silaanyo, waa danbiilayaal ka shaqeenayay 21 sano burburinta magaalada mogdishu.
    Sabaabta waxay tahay waxay taageereen ceydiid ayagoo ka soo horjeestay cali mahdi xamarna hub u soo diray si dhulka loo dhigo. Sababta kale waa ayagoo fidno intaas waday iyo isku dir,hada waxay rabaan in carabta ay ka helaan ciqaamadado iyo lacag .carabta waa axmaqiin somalida isku sii dira oo lacag isugu dira.