Dadka ku nool degmada Ceelbuur ayaa kusoo toosay saakay meydka nin qoorta laga jaray oo lasoo dhigay bartamaha magaalada.
Ninka oo jirkiisa kale ay ka muuqdaan jirdilo isla markaana gacmaha ka xirnaa ayaa la sheegay in la aqoonsaday isla markaana uu ka mid ah aa dadka deegaanka.
Lama oga sababta loo beegsaday, laakin dadka qaar oo aan qadka telfoonka kula xiriirnay ayaa noo sheegay in ay ka danbeeyaan dilka ninkan Al Shabab oo haatan maamula magaalada.
Waa qofki afraad oo lagu gowraco degmada Ceelbuue mudo bil gudaheed ah, bilowgi bishi aanu kasoo gudubnay ayaa waxa laga helay halkaasi laba wiil oo qoorta laga jaray, isbuuc kadibna nin oday ah ayaa lagu qalay.
Dadka deegaanka ayaa aad uga baqayo Shabaabka halkaasi heysta oo beegsanaya dadka ay uga shakiyaan in ay Ahlu Sunna ama dowlada KMG ah la shaqeeyaan.