Wariye C/qadir Cumar Cabdulle oo caawa lagu dhaawacay Muqdisho

Updated About:319 days ago
0

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in wariye ka tirsan TV-ga Universal oo lagu magacaabo C/qadir Cumar Cabdulle lagu dhaawacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Nin ku hubeesnaa bistoolado ayaa weeraray saxafiga oo marayey meel u dhaw isgoyska Korontada ee degmada Wadajir waxaana soo gaaray dhaawac sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal.

Dhaawaca saxfiga ayaa u badan qeybaha hoose, sida caloosha iyo lugta, walina lama oga xaaladiisa in ay tahay mid qatar ah iyo in ay fududahay.

Wixi kusoo kordha ku dheeho wararkeena soo aadan.

Comments (0)

Comments are closed.