
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta booqday Odayaasha Dhaqanka ee shirka ugu soconaya Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kala qayb galay kulanka booqashada ah Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Mr Agostina Mahiga iyo qaar ka tirsan Golahiisa Wasiiradda.
Ugu horeyntii waxaa Odayaasha la hadlay Ergeyga Gaarka ah QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Mahiga, Wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta la kulmo Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaa halkaan ku kulano inkastoo aan qaarkiin ku kulaney Istanbul balse aan ku riyaaqsanahay idinkoo wada dhan in aan kulano, Waxaa tihiin Odayaashii Dhaqanka Soomaaliyeed oo laga sugayo talada iyo hogaaminta dalka”.
Wuxuuna intaasi ku daray in Odayaasha Dhaqanka uu saaran yahay Labo xil oo waa weyn oo halkaan la idinkeenay, markuu dhamaado barnaamijkaan Roadmap-ka ay mar walbo qaar idinka idin ka mid ah aad noqon doontaan kuwii laga qaadanayay talada dalka maadaama aad tihiin Odayaashii Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana tilmaamay in shaqada Odayaasha Dhaqanka aysan dhamaaneyn.
Sidoo kale Wuxuu Mahiga xusay in Odayaasha ay Seddex arrimood oo waa weyn laga sugayo sida, 1. iney soo xulaan Ergada Ansixinta Dastuurka, 2. inaad soo xushaan Xubnaha Barlamaanka, 3. iyo inaad na siisaan talada wanaagsan.
Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Xubin ka mid ah sideeda xubnood oo Beesha Caalamka u matali doona gudiga farsamada waxeyna ka socotay Midowga Yurub iyadoona sheegtay in Midowga Yurub ay Soomaaliya taageero nooc kasta ah la garab taaganyihiin isla markaan aad u soo dhaweyneyno in ay Dumarku helaan 30% xilalaka dowligga ah.
Ugaas Ibraahim Dheere oo isna ku hadlayey magaca Odayaasha Dhaqanka ayaa xusay in markii hore uu jirey ismaan dhaaf u dhexeeya iyaga iyo gudiga khilaafaadka balse wada hadal dhex maray kadib isku afgarteen iney wada shaqeeyaan, waxaa kale oo uu soo jeediyey in ay haboontahay in laga dhigo Baarlamaanka cusub 275 xubnood si ay ugu fudutaato soo xulida Baarlamaanka.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan lagu ciidi doono farxad iyo dalka oo yeesha dowlad rasmi ah.
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
XALLINTA SIYAASADDA MURUGEYSAN EE SOMALIA WAXAAD MOODAA IN LAGA BILAABEY MEEL AAN XAL IYO DHAMAAD YEELAN KARIN TOONA MAXAA YEELEY WAXEY AHAYD IN HORTA DALKA OO DHAN GACANTA LAGU QABTO , LA SUGO AMNIGA IYO KALA DAMBEYNTA, KA DIBNA LA MAAMULADA LAGA SOO DHISO MIN TUULO ILAA GOBOL ILAA CAASIMADDA, MARKAAS KA DIB AYAA LAGA GUDBI KAREY KU MEEL GAARNIMADA.
HADDASE WAXAAN ARKEYNAA IN LA LEEYAHAY WAXAAN KA GUDBEYNAA KU MEEL GAARKA UNA GUDBEYNAA DAWLAD RASMI AH, WAA ARRIN AAN IS-WAAFAQI KARIN QEYNUUN AHAAN IYO SHARCI AHAAN MAXAA YEELEY MADAXDII KU MEEL GAAR AYAA SAMEYSANAAYA BAARLAMAAN IYAGA SOO MAGACAWDEY, RABAAN INEY DHISAAN DAWLAD IYAGA SOO MAGACAABAN DOONO UNA BIXIYAAN MAGACA AY RABAAN OO AH DAWLAD RASMI AH, TAASNA MA NOQON KARTO MID SHARCIGA WAAFAQSAN.
DAWLAD RASMI AH WAA INEY KU TIMAADO DOORASHO XOR AY U YIHIIN SHACABKA, AYNA U SOO WAKIISHAAN XUKUNKA DALKA IYO DADKABA SI WAAFAQSAN QAWAANIINTA DIMOQRAADIYADDA IYO MABAADII’IDA GUUD EE SHARCIGA DASTUURIGA AH IYO KAN CAALAMIGA AH, HADDII KALE WAXAA LA ORAN KARAA WAA KU MEEL GAAR LAGA GUURAAYO OO LOO GUURAAYO KU MEEL GAAR KALE OO QASAB LOOGU MAGAC DARAAYO DAWLAD RASMI AH.
BEESHA CAALAMKA IYO HA’ADAHA U DOODA XUQUUQDA AADANAHA GUUD AHAAN, GAAR AHAAN XAQQA KA QEYGALKA SIYAASADDA IYO XORRIYADDA AAYA KA TALINTA EE AY LEEYIHIIN DADKA INAAN LAGU TUMANIN, LAGUNA XAD GUDBIN MABAADII’IDA GUUD EE DIMOQRAADIYADDA SI LOO YAQAAN, HADDII KALE WAXAA MEESHA GEBI AHAANBA KA BIXI DOONAA WAXA LA YIRAAHDO DIMOQRAADIYAD