Xeer Ilaalinta Qaranka Oo Sharci Daro Ku Tilmaamtay Qaabka Loo Ansixinayo Dastuurka

Updated About:311 days ago
0

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Cali Max’ed Yuusuf  ayaa waxa uu sheegay in qaabka loo ansixinayo dastuurka uu yahay mid sharci daro ah taasi oo u sababeeyay dastuurka oo uu sheegay in loo gacan galiyay Odayaal iyo Ergooyin aan wax shaqo ah ku laheyn, waxaana uu ku taliyay hadii dastuur la sameynayo in lasoo maro Xeer ilaalinta Maxkamada Qaranka.

Dr. Cali Maxamuud Yuusuf oo wareysi siinayay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa mar wax laga weydiiyay xukunkii Maxkamada gobolka Banaadir ay ku riday ee 15-ka  sano ayaa waxa uu sheegay Cali Yare in uusan qabaneynin xukunkaasi islamarkaana uu xafiiskiisa ku tagi doono si awood ah.

Waxaa xusid mudan in maxkamada Gobolka Banaadir ay xukun 15-sano oo xarig ah kuriday Xeer ilaaliayaha Qarannka kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq iyo lunsashada hantida dad shacab ah.

Comments (0)

Leave a Commnet