Abdiwali Gaas oo qado u sameeyey ciyaartooyda Somalia uga qeybgaleysa tartanka Olimikada Aduunka

Updated About:338 days ago
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Ciyaartooydii uga qeybgeli laheyd dalka Soomaaliya Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee 27 ka furmi doono Magaalada Lonodon ee dalka Britain.

Ugu horeyn Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamuud Jirde ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ka qaadatay Ciyaartooyda uga qeybgaleysa Soomaaliya Ciyaaraha Olombikada Adduunka taana ay keentay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qado sharaf u sameeyo Ciyaartooyda.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inaan maanta isu nimaano wada qadeyno kuna faaneyno Zamzam, Maxamed iyo Tababahooda ee Soomaaliya u mateli doona Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee lagu qabanayo London 2012, Wuxuuna intaas ku daray in Sharaf weyn ay u tahay iney matalaan Calanka Soomaaliyeed, Iyagoo dadaal dheer ah u soomaray rajeyneynana iney guul u soo hoyiyaan dalka”.

Waxaana qada sharafta uu Ra’iisul Wasaaraha u sameeyay Ciyaartooyda ka soo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Xuseen Carab Ciise, Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha,Gudiiga Olombikada Soomaaliyeed, Xildhibaano iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahdceliyay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in Ciyaartooyda Soomaaliyeed ay ka qeybgalaan Ciyaaraha Olombikada Adduunka, Wuxuuna sidoo kale xusay in Bisha November ee sanadkaan ay furmi doonaan Ciyaaraha Gobalada dalka. Wuxuuna Ra’iisul Wasaarha ku tilmaamay Ciyaaruhu yahay is dhexgelka Bulsahada.

Comments (0)

Leave a Commnet