3 nin oo galabta lagu toogtay magaalada Marka

Updated About:2 years ago
0

Al Shabab ayaa galabta ku toogtay magaalada Marka sadex nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen dalalka hey’adaha sirdoonka CIA iyo MI6 ee Britian iyo Ameerika.

Dilka oo ka dhacay fagaara ku yaala magaalada Marka ayaa laba ka mid ahi waxa lagu eedeeyey in ay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA kuwaasi oo laga qabtay gudaha Shabeelaha Hoose.

Ninka sadexaad ee galabta Al Shabaab dilka toogashu ku fuliyeen ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar waxaana Shabaabku ku eedeeyeen inuu u fududeeyey Mareykanka dilka Bilaal Al Barjaawi oo diyaaradaha is wada ku dileen duleedka Ceelasha Biyaha 21-ki bishi January 2012.

Waa dilki ugu badnaa oo qisaas ah oo ay sanadkaan mar qura ka fuliyaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab, waxa ugu danbeysay sanadki hore oo ay dad kala duwan ku qisaaseen deegaanada Suuqa Xoolaha iyo Daaniile ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dowlada KMG qabsan guud ahaan caasimada.

Horay waxay Shabaab u dileen dad ay ku tuhmeen in ay u basaasayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka oo si aad ah u ugaarsada dagaalyahanada ka bar bardagaalama Al Shabab iyo hogaanka sare.

Dhawaan Mareykanka wuxuu lacago dul dhigay 7 sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo cidi soo sheegta meel ay ku suganyihiin u balan qaaday malaayiin doolar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.comĀ midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet