Naadiga Chelsea ayaa ku dhow ineey heshiis la gaarto xidiga da’da yar ee reer Brazil Oscar sida uu shegay kanaalka Sportv,laacibkan ayaa heshiis lagali doono naadiga haysata horyaalnimada yurub jimcaha nasoo aadan wax yar kadib marka daaha laga rogo tartanka Olompic-da aduunka ee kafurmi doona magaalada London.
Oscar oo dhowr mar ku celceliyay inuusan kahadli doonin mustaqbalkiisa ilaa uu kasoo gabagaboobo tartan Olompic-da, balse hada waa uu badalay moowqifkiisa kadib markii uu shalay kadhawaajiyay inuu maalmaha soo aadan ku biiri doono naadiga kadhisan caasimada ingiriiska ee Chelsea.
“Waxaan ku kalsoonahay awoodayda xirfadeed ku biiritaanka Chelsea waxa ay ii noqon dontaa riyo ii rumowday,waxaana hubaa inaan wax lala yaabo kusoo bandhigi doono olompic-da iyo markaan Chelsea kubiiro” sidaa waxaa kanaalka Sportv usheegay Oscar