Hadaladi madaxda dowlada ay ka sheegeen furitaanka shirka ansixinta dastuurka

Updated About:299 days ago
0

Madaxda ugu sareyso dalka ayaa maanta hadalo kala duwan oo isku hal ujeedo ahaa ka jeediyey furitaanka Shirka Ansixinta Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ALLE uga mahadceliyey kadib furitaanka shirka isaga oo ku tilmaamay mid aanan riyo aheyn balse si sax ah u furan isla markaana taariikhi ah.

Wuxuu sheegay inuusan ka hadleyn in dastuurka la ansixiyo ama aanan la ansixin balse ay wax weyn oo taariikhi ah tahay in maanta loo fadhiyo howshiisii, isaga oo ka codsaday ergooyinka in ay guul ka keenaan arrintaas.

“Maanta waxaa farxad ah inaan u fadhino Dastuurka, waa maalin taariikh ah, Dastuur la’aan dowlad lama ahaan karo, dastuurka wixii qaldan waxaa la rabaa inaad is garataan inaad calaamdeysaan, si baarlamaanka soo socda uu wax uga bedelo”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u mahadceliyay dhamaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qorshaha geedi socodka nabada.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna ka hadlay ayaa maleeyey in dastuurkaan uu dalka u horseedi karo midnimo marka loo eego halka laga soo bilaabay.

“Marka ugu horeysa hadii dastuurka la ansixiyo Soomaaliya dhibaatada waa ka baxeysa, waa inaa is cafiyaan oo umada Soomaaliyed midnimadeeda iyo qaranimadeeda sidii lagu soo celin lahaa aan ku dadaalno”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali oo isna kalimo ka jeediyey kulanka ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyada dastuurka oo ah buu yiri mid aanan sinnaba loogaga maarmin.

“Dastuurkan waxaa uu ka turjumayaa mustaqbalka umada Soomaaliyed, waa qodobka ugu muhiimsan ee Road Map-ka, Dastuurka waxaa ansixinaya ergooyinka, afar sano kadib waxaa afti u qaadaya shacabka marka la xoreeyo dalka oo dhan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas.

Dadki ka hadlay sidoo kale waxaa ka mid ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga, Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo xubno kale.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in sideeda maalin ee soo aadan uu kasii socdo xarunta uu maanta ka furmay ee Iskool Buluusiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet