Cabsi xoog leh ayaa ka jirto saakay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe kadib marki ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ay soo gaareen meel in yar u jirto deegaanka Qalimoow.
Dadka ku sugan Qalimoow oo qiyaastii 30-km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay joogaan meel 7-km u jirto deegaanka sidoo kalana ay Al Shabaab iyaguna difaac ka galeen afaafka hore ee Qalimoow.
Sida wararka aan ku heleyno ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ayaa sidoo kale qaar ka mid ah gaadiidkooda dagaalka u diray dhanka deegaanka Xawaadleey oo ku yaalo jiinka wabiga Shabelle.
Magaalada Jowhar-na cabsi weyn ayaa ka jirta iyadoo maamulka Al Shabaab uu xalay ilaa saakay magaalada ka waday dhaq dhaqaaq dagaal.
Dadka qaar ayaa sheegaya in ay ka baxeen magaalada madaxda iyo gaadiidkooda dagaalka, balse aanan la ogeyn in ay soo aadeen dhanka Qalimoow ama in ay u baxeen deegaano kale.
Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.