Xaflad lagu soo dhowaynayay koox ka tirsan ciidanka booliska oo dhowaan tababar ku soo qaadatay Madheera ee u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa lagu qabtay saldhigga dhexe ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka iyo degmada Laascaanood oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in baahi loo qabay wax ka qabashada ammaanka gobolka, oo ay tilmaameen inay dhibaato ku hayaan kooxo qas-wadayaal ah.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Sool, Cali Ismaaciil Faarax (Cali-Qase) ayaa sheegay in si dhab ah loogu baahan yahay ciidan boolis ah oo soo qaatay tababarro nooc kasta leh, kaas oo u adeega bulshada.
Duqa degmada Laascaanood Faarax Cabdi Yare iyo guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Maxamuud Cali ayaa soo dhoweeyay ciidanka, iyagoo xusay in ay tahay markii ugu horreysey oo ciidan uu hubkiisa iyo labbiskiisa u dhan yahay la keeno gobolka.