Faah faahin ku saabsan dilka maareeiyihii garoonka diyaaradaha Adan Cade

Updated About:293 days ago
0

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa xaqiijisay dilka maareeyihii garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho oo caawa maqribki lagu dilay degmada Xamar Weyne.

Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdullaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in maareeyaha garoonka diyaaradaha Adan Cade, Ibraahim Imaan Xalane uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray madaxa oo ay u geesteen laba nin oo ku hubeesnaa bistoolado.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay masaajidka Abate ee ku yaala xaafada Via Roma ee degmada Xamar Weyne oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah u maamusho dowlada KMG Soomaaliya.

Mr. Garddhuub ayaa sheegay in ciidamada ay eryadeen labadi ruux ee dilka geystay balse ay baxsadeen marki ay gaareen xaafada Buur Karoore ee degmada Xamar Jajab.

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyey oo ah dilalka qorsheysan, todobaadki hore ayaa dil sidaan oo kale degmada Waabari loogu geystay Majaajiliiste Marshaale.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet