C.ronaldo “Hadii ay cadaalad jirto sanadaan waxaan doonayaa kubadda Dahabka”

Updated About:289 days ago
0

Xidiga reer Portugal iyo naadiga Realmadrid, C.ronaldo ayaa aaminsan in isaga uu sanadaan xaq uleeyahay abaal marinta kubadda dahabka,sidaa darteed waxa uu cadaalad kadalbaday gudiga uxilsaaran arintaas.

C.ronaldo kuma uusan guuleeysan abaalmarintaan ilaa iyo sanadii 2008 markaas oo uu kusugnaa naadiga Manchester United,sanadii lasoo dhaafay kaalinta labaad ayuu ka galay abaalmarintaan maadama uu ku guuleeystay Leo Messi,laakiin sanadaan ayuu aad ugu cadcadyahay in loo magacaabo xidiga qaarada Europa iyo kan dunidaba.

“Waxaan doonayaa cadaalad,hadii ay cadaalad jirto ,waad ogtahay qofka ku guuleeysanaya,ama xaqa uleh sanadaan in lasiiyo abaal marinta,ma doonayo inaan dhaho wax intaas kabadan” ayuu Ronaldo kuyiri wariyayaal kusoo xoomay kadib ciyaartii ay 5-1 kaga adkaadeen naadiga uu kabtanka uyahay Devid Becham kana dhisan wadanka mareeykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet