Orodyahanada Soomaaliyeed ee ciyaaraha Ololmbikada Londan ka socday kaga qeyb qalay Orodka 1500 iyo 400 Mt ayaa waxay sheegeen ineysan dib ugu laaban karin dalka sababo la xariira dhinaca amaanka.
Maxamed ayaa sheegay in uu jeclaa inuu dib ugu laabto dalka, balse xiligan aysan meel ay ku noqdaan aysan jirin, Zamzam ayaa sidoo kale sheegtay in xiligan fariimo badan oo hanjabaad ah la soo gaarsiiyay, laguna wargeliyay in wax badan laga qaban doono.
Marka aad dhuuxdo hadalka Zamzam iyo Maxamed waxay u eg tahay kuwo qorsheystay ineysan dalka dib ugu laaban oo ay iska dhiibi doonaan dalka ay ku sugan yihiin ee Ingiriiska.
HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO WAREYSIGOODA
