Ciyaartooyda Soomaalida oo dalka kusoo laabanaya Talaadada soo aadan

Updated About:311 days ago
0

Mid ka mid ah ciyaartooyda tartanka Olombikada Aduunka uga qeybgashay Soomaaliya ayaa beeniyey in ay iska dhiibeen dalka Ingiriiska.

Shalay ayaa waxaa soo baxay war sheegaya in Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax ay magangalyo weydiisteen dalka Ingiriiska kadib marki ay Al Shabaab u hanjabeen.

Mohamed Hassan Mohamed, oo ka qeybgalay orodka 1,500m ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da in isaga iyo Zamzam ay ku tala galeen in ay dalka kusoo laabtaan 14-ka bishaan oo ku beegan Salaasada soo aadan.

Wuxuu sheegay in shalay ay kula kulmeen magaalada London wasiirka arimaha horumarinta Africa u qaabilsan Britain kaasi oo u balan qaaday in ay dayactiri doonaan garoomada Soomaaliya ee ciyaaraha.

Zamzam oo iyaduna oroday orodka 400m, ayaa dhawaan sheegtay in ay ka walaacsantahay hanjabaad uga timid kooxaha ka dagaalama Soomaaliya kuwaasi oo hadii ay dalka kusoo laabato ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in ay beegsadaan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu qatarsan caalamka, bishi April waxaa lagu dilay gudoomiyihi Olombikada iyo madaxii xiriirka kubada cakta oo kala ahaa Aden Yabarow Wiish iyo Said Mohamed Nur.

Comments (0)

Leave a Commnet