Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa mar kale ku tartami doono xidignimada Yurub ee Uefa’s Best Player kadib marki lagu dhawaaqay galabta 3-da ciyaaryahan ee isugu soo haray.
Sanadki hore abaalmarintan waxaa ku guuleestay Messi, waxaase hada wareegaan ugu danbeeya kula jira laacibka ay isku kooxda yihiin ee Andres Iniesta oo u ciyaara Barcelona, halka Ronaldo uu sanadkii labaad oo xiriir ah uu soo galayo tartanka kama danbeysta ah ee shortlist-ga.
Qofka abaalmarintan ku guuleysta ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 30-ka bishaan August munaasabad lagu qaban doono magaalada Monaco markaas oo sidoo kale lagu dhawaaqi doono isku aadka koobka kooxaha horyaalkada Yurub ee Champions League.
Kubad sameeyaha kooxda Juventus Andrea Pirlo iyo laacibka qadka dhexe ee Barcelona Xavi Hernandez ayaa kusoo bixi waayey wareega ugu danbeeya sadexda ruux isugu soo harto musharaxnimada, iyagab oo kala galay 4-aad oo uu Pirlo soi cirirsaday iyo Xavi oo ku xigay.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.