Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Kurshaale ay ku dileen rag ka tirsan Al Shabaab.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Ismaaciil Xaaji Ciiro ayaa sheegay in weerar ay shalay ku qaadeen deegaanka Kurshaale oo u dhaw deegaanka Ceelmacaan ku dileen todobo dagaalyahan sidoo kalana ay ku qabsadeen 7 qori.
“Walaaloow howlgalkaasi wuxuu u dhacay sidi la rabay, ciidamada waxay dileen 7 nin oo ka tirsan Al Shabaab, waxaan kale oo aan qabsanay 7 qori oo laba ka mid ahi yihiin BKM iyo 5 qori oo AK-47 ah,” ayuu yiri.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab-ka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan sheegashada ciidamada ku sugan degmada Balcad.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.