Waddani: Saaxiib ma maqashay in dalka soomaliya uu markale saaxadda siyaasadda Caalamka ku soo noqonayo isagoo aan ku meelgaar ahayn?
Waayeel: Waxaan ogaa in la waday dadaallo badan oo la leeyahay waxaa looga baxayaa Ku meel gaadhnimada, waxaana isaga qaatay sidii caadada noo ahaan jidhay ee ma wax cusub baa dhacay? Yaasa ka dambeeyey waxaan ku meel gaadhka la yiraahdo?
Waddani: Waxaa ka dhiman in la doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen Baarlaman iyo madaxweyne oo dhamaantood wada cusub? Dadaalka waxaa waday TFGdii Jibuuti lagu soo dhisay ee uu Sheekh Shariif hogaaminayey oo taageersaneysa cidii ay taageero ka heli karto sida beesha caalamaka gaar ahaan wadamad deriska deriska.
Waayeel: Doorasho Madaxweyne gartay G/Xigeenka iyo Guddomiyaha Baarlamaan maxay gudoominahayaan sow kan Barlamaankii ay kala yaaceen?
Waddani:War mahaysid oo waa hurudaa: waxaa la soo xulay Barlamaan cusub oo dhammaad ku dhow oo dooran doona guddoomiye cusub oo aan filayo inuusan noqon kuwii hore oo kale.
Waayeel: Waaba guul ma is tiri oo haddii mar kale la is dooranahayo oo sidii sheikha hadda madaxweynaha noo ah uu ku yimid oo anigoo ogaa sidii aan kala harka lahayn ee Jibuuti loogu doortay.
Waddani: Haddana waa sidii oo waxaan noo jooga in 50 ka madaweyne doon ah oo badankood dibadda nooga yimid..
Waayeel: Oo ma 50 ku dhan?
Waddani: Waliba sii badanayaan sidii daango dab kulul la saaray oo weelka buux dhaafisa waxaana ka cabsanayaa in shacbiga oo dhan ay isa soo sharraxaan markey arkaan kuwa isa soo sharraxay.
Waayeel: Waxaan maqlayey markaan waxaa kursiga shariifka ku fadhiya raba barafasoorro iyo datoorro shahaadooyin waa weyn wata oo aan filahayo inay wax badan dalka ku soo kordhin karahayaan.
Waddani: Sow yaab maaha haddii barafasoor madaxweyninmo raba, oo darawal madaxweyninemo raba , oo duurjooge uu madaxweyne rabo, dal dumiye uu madaxweyne rabo, wariye uu madaxweyne rabo.
Waayeel: Waxaan u maleynahayaa waa shaqo cid kasta qaban karto haddey intaasba wada rabaan.
Waddani: Haku sheegin waa hawl u baahan xirfado badan iyo u dhalasho rabbi oo fiiri wadaadka halkaan na keenay waligiis barfasoor ma noqon wuxuuna qabtay shaqdaan maanta ay barafasoorro beri naga cararay ay u soo noqdeen inay ka shaqeystaa
Waayeel: Ee berri hadday xumaatana sow naga carari mahayaan?
Wadadni: Waxaaba kuu dheer mid shaqadiisii ka soo tagay ma jiro ee fasax ayuu ka soo qaatay si uu xogaa maal ah iyo magac ah uga helo halkaan meeshiisiina ku.
Waayeel: Yaa ku noqosho ka yeelaya, waa inay dhibta nala arkaan oo nala joogaan.
Waddani: Aaway ku wii shaqada waayey xataa Formaajo hadda ayuu soo noqday si uu mid kale u helo hadhowna uu ugu noqdo meeshisii. Cabdiweli shaqadiisa waa u diyaar, Samater waa sidoo kale. Waa dhammaantood oo la iskuma hallayn karo. Nin il mahiisa keenay kuma jiro iska dhaaf haweenkiisa oo dhinacyada ka fadhiistee.
Waayeel: Sidee loo aamini karahayaa rag aan halkaanba daganeyn oo berri iska cararahaya.
Waddani: Waaba yaabka na haysta, laakiin waxaan filaa in Barlamaanka la soo xuli doono ay arrintaas fahmi doonaan codkoodana ay siin doonaan mid nala joogaya, horayna noola joogay.
Waayeel: Ka warran isaga wadaadka koofida dheer leh.
Waddani: Wadaadka wax badan ayuu qabtay, Magaaladaan laba jeer ayuu xureeyey; marna qori uu gacantiisa ku wato ayuu ku xureeyey, marna xeelad siyaasadeed iyo hogaamin caqliyeysan ayuu ku xureeyey.
Waayeel: Taas waa ku ogaa inuu yahay geesi aan ka cabsan inuu ciidankana horkaco oo dagaalka jilibka u dhigtee, culimadana hor kaca oo aysan kooxna u diin sheegan karin, caalamkana noo soo horkacay oo la yimid siyaasadda qunyar socodka ah ee keentay kaalmada deris iyo dad fogba nooga timid iyo taageerada faraha badan ee managa caraaraa haddey adkaato?
Waddani: Intuu yaqaan oo uu aadaa waxaa uu tagaa waa Siisiiye iyo Yaaqshiid. Taas kaliya maaha xataa waligiis afkiisa war xun lagama maqal ilmahiisa iyo xaasaskiisan bannaanka ma jiraan oo hadhow ka cararimaayo waa inuu kuwiisa iyo kuweenna wada difaacaa.
Waddani: Laakiin waxaa la tartamaya barfasoorro shahaado tii ugudambeysay ee cilmi laga qaato wata oo raba inay kursiga ka riixdaan.
Waayeel: Haye haddey cilmi dhameeyeen maan iyaga shaqada u dhiibanno.
Waddani: Waa runtaa oo waxay sheeganayaan inay cilmi dhameeyeen oo ay datoorro birta calashada yihiin,waxaasa nagu filan Datooorada hadda noo jooga sida R/wasaaraha waa datoor, W/Maaliyadda waa datoor haddana waxay soo kordhiyeen malaha.
Waayeel: Oo heedhe maxaa keenay maamulxumada iyo waqabd la’aanta iyo lacagaha maqan ee la sheegsheegayo haddii ay datoorradaas noo joogaan?
Waddani: Dad badani haddey datoor maqalaan waxay u qaadanayaan inuu wax waliba yaqaanno, raggaan waxay yaqaaniin haddeyba wax yaqaaniin maadadooda. Tusaale w/Maliyadda waa dhaqaale yaqaan R/Wasaaraha waa dhaqaale yaqaan laakiin buugta ayey ciyaalka jaamacadaha uga akhriyaan ee waligood kuma shaqeyn.
Waayeel: Wow wow u kaadi haddii ay dhaqaaleyahan yihiin maxaa keenay lacagaha waa maqan yihiin la leeyahay iyo mushaar la’aanta maanta haysata shaqaalaha dawladda.
Waddani: Lacagaha lama oran karo waa la qaatay ilaa horta xisaab la keeno, laakiin xisaabtii ayaa dhibtay ayaanba u maleynayaa oo waa keeni la’ayahay. Tan kale waxaa la leeyahay waxba ma maqnee waa maamulxumo.
Wayeel: May datoorada maamulxumada naga saaraan?
Waddani: waa kaas halka ay dhibta ka jirto. Datooradaan waa macalimiin ee maamulayaal maaha mana yaqaanaan sida wax loo maamulo oo waa xirfad gaar ah. Datoorrada waa macalimiin aan hadal lagu soo celin jirin oo ardayda u yeeriya waxa ay barayaan ee maaha rag hogaaminta iyo maamulka iyo maareynta ku fiican.
Waayeel: Waxaan maqli jiray Macallin iyo madi ayaa dadka ugu maan yar oo macnaheedu yahay iyagaa isla saxan, maamulna ma galo sidaas ee waa wada tashi, isla shaqeyn, dulqaad iyo adkeysi qorsheysan.
Waddani: Waa runtaa oo dalka siyaasi hadda uma baahna oo qof waliba waa siyaasi wuxuusa u baahan yahay maamul yaqaan maamulka noo toosiya ee ma rabno barafsoor muran iyo qayli badan.
Waayeel: Waaba kuwan hadda wada qeylinayoo leh annaga kaliya ayaa wax sixi karna, annaga kaliya ayaa naqaan iyo annaga ayaa barafasoorro ah.
Waayeel: Timirtii horaba dad loo waa kuwa hadda joogaa maxay kaga duwanaanayaan ?
Waddani: Waxaa la yiri marka wax laguu sheego ayaad waxgarataa?
Waayeel: Maxaad garatay?
Waddani: Sababta uu dalka uga dhaqaaqi la’ayahay dhinaca maamulka ee uu horumarka fiican uga sameeyey dhinaca dibolomaasiyada waa maamule la’aan eeddana waxaa iska leh madaxweynaha oo aan noo keenin R/wasaare maamul yaqaanna ee maamuli jiray maal iyo dad, kuna guuleystay maamulkiisa. Waxaa uu mar waliba noo keeni jiray kuwa isla saxan oo xataa isaga kula dhega siyaasadda iyo diblomaasiyadda oo uu si wanaagsan u wado.
Waayeel: Waa arkay in deriskii na kufin jiray ay hadda garabka naga qabtaan, dawladihii na ridi jirayna ay na taageeraan oo waa siyaasadda wadaadka oo ku dhisan qunyar socod iyo gacantaadan gooyn Karin waa dhunkadaa ilaa iska aan dhicin karo.
Waddani: Wadaadka waa xariif oo waa in loo kordhiyaa si uu noo geeyo meel meeshaan dhaanta
Waayeel: Laakiin waa in loo sheegaa oo la yiraahdaa R/Wasaare siyaasi ah ma rabno ee noo keen mid maamulka yaqaanna oo dalka ka saara maamulxumada inta aad macalimiin madax adag, iyo R/Wasaare siyaasadeysan oo kursigaaga kugula dhaga aad nagala daba ordeysid.
Waddani: Xelligaan iyagaaba raba inay madax weyne noo noqdaan oo ay noo yeeriyaan waxay rabaan.
Waddani: Waa la adimay waa inoo salaadda ka dib
Waayeel: Adiga lee yaan lagu waayin hee.
Maxamud Ahmed, maqaallo@yahoo.com