Askar Kasoo Goosatay Kaahtumo State oo Kusoo Biiray Puntland (Daawo Sawirro)

Updated About:274 days ago
0

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa soo sheegaaya in Ciidamo ka soo goostay maamulka Khaatumo ay ku biireen Maamulka Puntland.

Ciidamadaani ayaa wararku sheegaayaan in agu soo dhaweeyey  deegaanada Puntland gaar ahaana koontaroolka Woqooyi ee Garoowe.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ayaa si weyn ugu soo dhaweeyey ciidamadaasi Koontoroolka Woqooyi ee Garoowe, waxayna kuj tilmaameen talaabo muhiim ah.

Qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Puntland oo kamid ahaa ee soo dhaweysay ciidamadaasi ayaa la hadlay saxaafadda waxa uuna sheegay in si diiran ay u soo dhaweynayaan ciidamadaasi ayna kamid noqon doonaan ciidamada Puntland ama shacabka Puntland.

Ma jiro illo ka madax banaan maamulkaasi oo xaqiijin kara in ciidankaasi uu ka soo goostay dhinaca maamulka Khaatumo State.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments (0)

Leave a Commnet