Dayactir xoog leh oo ka socdo Bacadlihi hore ee Xamar Weyne {Sawiro}

Updated About:271 days ago
0

Maamulka G/banaadir ayaa bilaabay qorshe markale dib loogu dayac tirayo Bacadlihii hore ee X/weyne,bacadlahan ayaa waxaa saameeyn kuyeeshay dagaaladii mudada 20-ka sano ah kasocday wadanka,iyadoo maleeshiyo beeleed ay gacanta ku hayeen intaas, waxaana daganaan jiray dad shicib ah oo looga qaadan jiray lacag baad ah.

Bacadlaha ayaa inta badan ka badbaaday in uu burbur kasoo gaaro dagaaladii wadanka kadhacayay,iyadoo dhamaan Al-baabadii ay sidooda ugu jiraa.

Maamulka G/banaadir oo gacan kageystay dib udhiska Bacadlaha ayaa noo sheegay in uu gabagabo ku dhowyahay oo mardhow al-baabada loo furi doono,waxaana hada si xoogan usocdo kireynta qolalka uu kakoobanyahay,iyadoo qofkii dooneeysa ineey qol ka ijaarato kuna ganacsato ay bixineyso lacag hor maris ah oo qiimaheedu yahay 2000$.

Maamulka G/banaadir ayaa maalmahanba waday qorsho markale dib loogu hagaajinayo guryihii doowlada iyo iskooladii ku burburay dagaalada Sokeeye.

Comments (0)

Leave a Commnet