Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Amisom Oo Howlgalo ka Bilaabay Degmada Marka

Updated About:267 days ago
0

Warar goor dhaw inaga soo gaaray Degmada Marka ee gobolka Sh,hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ey howlgalo baaritaan ak bilaabeen.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta ee amisom oo wata daangiyadooda waxey gudaha u soo galeen degmada Marka ee xaruunta gobolka sh.hoose waxeyna halkaas ka bilaabeen howlgalo baaritaano ah oo iskugu jira kuwa ey dadka baarayaan iyo kuwo ey dhulka ka baarayaan miinooyinka gawaarida loo dhigo.

Saldhiga degmada, xarunta maamulka iyo goobo kale ayaa la xaqiijiyey inay fariisimo ka dhigteen ciidamada. Lama soo sheegin wax dhibaato ah oo magaalada gudaheeda ka dhacay illaa hadda, sida goobjoogayaashu sheegeen.

Sikastaba Shabaab oo gacanta ku hayey magaalada ayaa isaga baxay gelinkii dambe ee shalay kadib markii ciidamada ay ku dhowaadeen magaalada Marka. Wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab xoogooda ay u bexeen degmada Baraawe halka difaacyada ugu horeeya ay joogaan Buulomareer.

Xaalada magaalada Marka ayaa degan haatan wixii warar ah ee ku soo kordho waxaad ku aqrisan doontaan warkayaga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet