Maxkamada Sare oo ogolaatay xildhibaanadi lasoo celiyey

Updated About:266 days ago
0

War deg deg ah oo hada naga soo gaaray ayaa sheegaya in Maxkamada Sare ee dalka ay ogolaatay 16-ki mudane ee ay Gudiga Farsame ka reebeen Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Avv. Ceydiid Ilkaxanaf ayaa ku dhawaaqay in xildhibaanadan oo ay ka mid yihiin Cumar Maxamad Maxamuud (Finish), Maxamed Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin iyo qaar kale ay xaq u leeyihiin in ay helaan kaararka aqoonsiga iyo xuquuqdooda xildhibaannimo.

Maxkamada Waxay ka reebtay sadex hablood oo ay ku jirto xildhibaanad Sareedo kuwaasi oo ay sheegtay in gudiga ay ku celiyeen aqoontooda oo liitado taasi oo uu Ilkaxanaf sheegay in gudiga ay xaq u leeyihiin.

Gudiga Farsamada ayey Maxkamada ku eedeysay in ay eedeysanayaal iyagu yihiin maadaama ay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aanan danbi laheyn ay danbi dusha ka saareen kuwaas oo sidoo kale ay beelahooda soo gudbiyeen.

Xildhibaanadaan ayaa lagu wadaa in ay isla maanta helaan kaararkooda aqoonsiga isla markaana lagu dhaariyo halka ay ka socoto doorashada ee xarunta Iskool Bukuusiya.

Comments (0)

Leave a Commnet