Madaxweyne Siilaanyo oo Xilka Ka Qaaday Wasiirka Warfaafinta

Updated About:268 days ago
0

Madaxweyne Maxamed Maxuud Siilaanyo xafiiskiisa degreeto ka soo baxday ayaa xilka looga qaaday wasiirkii wasaarada warfaafinta JSL.

Wareegtada ka soo baxday madaxweynaha :

‘’Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka.

Waxaana intaas lagu daray ” Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL”.

Waxaana la faray in uu xilka ku wareejiyo si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta masuul kale loo soo magacaabayo.’’

Ilaa hadda dhab ahaan looma oga sababta rasmiga ah ee keentay in uu madaxweynuhu xilka qaado ama shaqadii ka eryo wasiirrka warfaafinta, inkastoo ay jiraan warar aan lagu kalsoonaan karin oo leysla dhaxmarayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet