Maxkamada Federaaliga ah ee Alexandria dalka Mareykanka ayaa ku xakuntay Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar inuu bixiyo $21 million.
Lacagtaasi ayaa waxaa loo xukmiyey ilaa iyo 7 ruux oo mudo sideed sana ah waday dacwad la xiriira inuu Samatar ka danbeeyey dil iyo jirdil loo geystay dad kasoo jeedo magaalada Hargeysa dagaaladi 1988-ki.
Mr. Samatar oo hada ku nool gobolka Virginia, ayaa beeniyey eedeynta loo soo jeediyey isaga oo ku tilmaamay go,aanka maxkamada mid aanan cadaalad ah.
Todobada ruux ee Soomaalida ah ayaa u gudbiyey dacwada Maxkamada hada xakuntay sanadki 2004 iyaga oo ku adkeysanaya in Mohamed Ali Samantar oo ah 76 jir inuu yahay danbiile dad badan laayey.
Mr. Samatar ayaa qiray in ay jiraan dad la dilay balse uusan isaga sameyn, halka kooxda dacweeysay ay leeyihiin isaga ayaa amray xiligi uu ahaa Wasiirka Gaashaanshiga ee dowladi Maxamed Siyaad Barre.
Dhageyso Dacwada Lagu Soo Oogay
Qareenkiisa oo la yiraahdo Joseph Peter Drennan, ayaa sheegay in ay eacfaan ka qaadan doonaan gaar ahaan Maxkamada Mareykanka ee racfaanka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.