Nala Daawo Sawirada iyo Damaashaadka Jimcaha Ee Xeebta Liido

Updated About:262 days ago
0

Goobo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa ka muuqday in nabad ay dib ugu soo laabatay iyadoo ugu yaraan aad ku arkayso soo laabashada nabaddii macaanayd ee la waayey ee 21-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xeebta Liido waxay kamid tahay meelaha ugu qurxoon ee magaalada Muqdisho waana goobaha loo tamaashaad tago maal maha fasaxa ah.

Maanta oo kamid ah maal maha fasaxa Muslimiinta, xeebta Liido waxaa ka jiray jawi deggan oo nabadeed, waxaan usoo dabaal iyo tamashle tegay kumanaan dad ah oo dhalinyaro u badan.

Xeebta Liido maalin kasta oo Jimce ah waxaa usoo dabaal tega Soomaali badan oo ka kala yimi 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Dadka ku tamaashaada Xeebto Liido waxaa kamid ah dad ka yimi dalalka qurbnaha sida America iyo dalalka Yurub.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet