Saadaalin Laga Sameeyey Musharaxa Laga Yaabo in uu ku Guulaysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Arar: Soomaaliya ma ahan sidii ay ahayd 3 sano ka hor, rajada Somaalina maahan sida ay waqtigaasi ahayd, taageerada beesha caalamkuna ma midaysnayn sida ay maanta tahay. Saddexdaas qodob ayaan ku salayn doonaa saadaashayda.
Murashixiintu waa badan yihiin; qaar waxaa jira isku sharaxay in magacooda la maqlo, qaar waa jiraan doonaya inay xil kale ku qal qaalsadaan, sida wasiir ama agaasime, halka qaybta ugu muhiimsan ee aan ku salayn doono saadashaydan ay yihin qayb aan u baxshay muruqyo waynta oo hammiga kursiga iyo inay madax noqdaan ay ka dhab tahay.
Waxayna kala yihiin: -
1. Shariif Sheekh Axmed.
2. Dr. C/wali Gaas.
3. Maxamed C/laahi (Farmaajo).
4. Dr. Baadiyow
5. Dr. Cabdullahi Caddow.
6. Dr. Axmed Ismaaciil Samatar.
Shariif Xasan Sheekh Aadan , wuu iigu jiri lahaa qaymaynta hase ahaatee rajada uu hadda madaxwayne ka leeyahay waa mid aan jirin, maxaa yeelay Prof. Jawaari oo beeshiisa kasoo jeeda ayaa noqday raysul baarlamaanka Soomaaliya, oo hadda waddo kale oo u bannaan ayuu raadsan ee dadka tartamaya kuma darayno.
Lixda murashax waxaan u soo qaadatay waxay leeyihiin miisaan ama aqoon, caanimo, dhaqaale ama mansab siyaasadeed oo lagu soo bartay. Waxaad mooddaa murashixiinta miisaanka leh 90% ay ka kala yimaadeen beelaha Hawiye iyo Daarood, sidaasina madaxwaynaha Soomaaliya 90% waxay u badan tahay inuu qabto qof Daarood ah ama qof Hawiye ah.
Shariif Sheekh Axmed
Waa madaxwaynahihii ugu danbeyay ee waddanka , waxaana uu kasoo jeedaa beelaha daga magaalada Muqdisho, waxa uu kamid ahaa dadka ugu rajada wanaagsan muddo bil kusiman ka hor, hase ahaatee waxaa dhaawacyo soo gaareen tartankiisa laba goor; waa midda koowaade markii uu geed dheer iyo geed gaaban u fuulay inuu soo celiyo hogaamiye kooxeedyadii danbiilayaasha ahaa, ee nabaradii iyo dhaawicii ay gaysteen aysan wali bogsoon. Maadaama uu aha madaxwaynihii dalka cadaadis badan oo uu sameeyay waa loo hogaansamay; tan labaad markii uu xabadka u garaacay haddaan beesha Hawiye la dooran inaysan waxba kala socon doonin markaasi oo uu ilaaway in dalka lawada leeyahay ee aan lakala lahayn, wuxuuna dhumiyay qayb wayn oo kamid ah taageeradii iyo hammigii loo qabay, wuxuu kaloo dhumiyay diblomaasiyaddii looga baahnaa qof madaxwayne ah, oo xanaqiisii ayaa ka awood batay. Wali inuu noqdo madaxwayne waa ku jirtaa meesha , hase ahaatee rajadiisu waa 40%
Dr. Cabdiwali Gaas
Asaga iyo xukuumaddiisa lagu magacaabo Badbaado Qaran waxay ku faanaan in waddanka xasiliddiisa ay gacanta kusoo dhigeen, taageeradii Soomaalida iyo beesha caalamkana ay kasbadeen. Aqoontiisu kalsooni badan ayay u keentay oo dhowrkii bilood ee ugu horaysay ayuu kasbaday taageero wayn, walow ay dhici karto malaayiin Soomaali ah inay wax qabadkiisa ogyihiin laakiin aysan qiri karaynin qabiil nacayb iyo hebel nama xukumayo wax aan ka ahayn darteed, rajadiisu waa in ka badan 60%
Maxamed C/laahi Farmaajo
Dhowrkii bilood ee uu xilka hayay wuxuu kasbaday sumcad kusiman koonfurta Soomaaliya. Maxaa yeelay gobollada Puntland oo ay joogaaan Soomaali fara badan waa ay isku dheceen oo waxaa lagu sameeyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo markii xukuumadda iyo shacabka uu si siyaasadaysan shacabka soo dhawaystay. Farmaajo waa nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah, saaxada siyaasaddana wuu ka maqnaa muddo sanad ah oo galaangalka gudaha waxaa uga fiicnaa Shariif Axmed, Gaas iyo Shariif Xasan. Dadka wax dooranaya qaab qabiil bay meesha ku fadhiyaan , waxayna u badan tahay in Farmaajo uu ka codyaraan doono labada masuul ee kor aan kusoo xusnay, hadii ay dadwaynuhu wax dooranayaan waa laga yaabi lahaa inuu soo galo kaalin. Rajada madaxwayne nimo ee uu leeyahay waxay kusiman tahay 20%
Dr. Baadiyoow
Waxaa mar mar dadka siyaasadda ka falanqooda ay leeyihiin madaxwayne ama raysulwasaare mid waa uu noqonayaa. Sababaha sidaasi loo leeyahana waxay tahay asagoo ah aqoon yahan , aan ka qayb galin dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Tan kale wuxuu la qabiil yahay Shariif Axmed madaxwaynihi hore oo waxaa dhici kartra inuu booska ku cariiriyo Shariif Axmed. Dhinaca kale waxa uu ku xiran yahay xisbi diini ah (Islaax) oo lacag iyo saamaynba leh . Rajadiisu waa 40%
Dr. C/laahi Caddow
Waa aqoon yahan la arko markii doorasho soo dhawaato. Inta badan laguma arko dalka gudihiisa, lagamana maqlo idaacadaha, lagumana arko goobaha kale ee siyaasadda. Kama hadlo amuuraha kala duwan ee dalka ka jira, galaangal buuxana uma lahan xubnaha baarlamaanka iyo waliba gudaha Muqdisho, waxaa uu ku daalay qurbaha, dhowr doorasho oo horay u dhacayna waa uu ka qayb galay.
Caddow inkastoo oday miisaan shaqsiyadeed leh uu yahay uusanna dagaalladii sokeeye addin ahaan uga qayb galin , hase ahaatee rajadiisu waa ka liidataa dhammaan ragga kor ku xusan . Waana 10%
Prof Axmed Ismaaciil Samatar
Waa aqoon yahan qurbaawi ah , oo jaamacad ka dhiga bannaanka. Waxaa aad loogu yaqaanaa inuu yahay nin aad u dhaleeceeya hadba maamulka Soomaaliya ka dhasha sanadihii hore. Oo ninkii dhagaystay berigii la doortay Shariif Axmed aad buu rajada u xumeeyay xilli uu macaamiil wayn ka ahaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo saaxiibkii Yuusuf Garaad uu maamule ka ahaan jiray. Prof Samatar wuxuu madax u yahay xisbigii ugu horeeyay ee siyaasadeed ee caddeeya inuu arimaha siyaasadeed galayo wixii ka danbeeyay bur burkii oo lagu magacaabo Hiil qaran. Prof Samatar waa qurbaawi aan dalka wax wayn kala socon. Haddii ay jiri lahayd doorasho one man –one vote waa laga yaabi lahaa in codad uu heli lahaa, laakiin hadda oo ay u muuqato in beeshiisu ay u badan tahay dhinaca dalka gooni u goosadka ah ee Somaliland inaysan gayaysiin doonin inuu madaxwayne noqdo. Rajadiisa madaxtinimo in ka yar 10%.
Afeef: Saadaasha aan samaynayo waa fikirkayga, kamana tarjumayso fikirka website-ka iga aqbalay inuu soo gudbiyo, ama fikradda koox gaar ah.
Maxamed Tooxane
Toox.30@gmail.com
Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.
Walaahi waa wax lala yaabo markaad cabdiweli aad leedahay xukumada wax badan ayuu u soo dhiciyay u maleeyn mayo wax uu san shariif soo dhecin in abdi
weli soo dhiciyay mida aad ku sheegtay qabiil shariif cabdiwelina nin aan lagu xaman waad danbawday shariif waa adan cadihii labaad oo cadalada u badan wana nin aqlaaq leh ee ma ahan m/wenayasha qaarkood ayagoo sideetan jir ah cayaayo qabiil kasto oon kiisa aheyn kuna fanayo waxyabo mweyne ku hadlin iyo nin ciro ah dabadeedna jufadiisa party ugu tuurtay ah geesi lakiin ayaga uun buu u yahay dhib ma laha hadad majeerteen tahay aadna u badisay cabdiweli laakiin xasuusnoow hadii cabdiwei iyo shariif la soo taago in soomaali dooran lahayd shariif laakiin waxaad tiri boqolkiiba sagaashan waxaa qabanaaya hawiye ama darood farmaajo cod kuma laha miyaa daroodka mise waxaad u baratay mudulood iyomajeerteen oo keliya in ay noqdaan waxaan dhihi lahaa waxaa la soo gaaray xiligii dadka kale wax la siin lahaa ee xishoo.
Waxaan dhihi lahaa Somalia waa iney heshaa adaxweyne xor u ah fekirkiisa lana tashada baarlamaanka. Sidaan wada ognahay Mr Gaas waxaa baarlamaan u ah Faroole, sidaa daraadeed wadanka laguma aamini karo. Ragga kale waa macquul.
tooxane asw sxb waad mahadsantahay qiimeyanta aad noo soo tabsey waa wax lagu farxo haddii soomali maanta doorto dad wax yaqaan oo lagu doorto dalkeena hooyo caasimada muqdisho
waxaa filayaa in soomaali maanta ka gudubtey Qabiil iyo Qori
ee ey wax ku dooreynayso maxaad taqaan oo tari kartaa aamin aamin insha allah
sxb waxaan dhihi lahaa sorry marka hore tan kale xoogaa xisaabtana kuuma bilaawno ee bal iska sax percentage aad kala siisay raga mida kale waa iska cadahay halka aad u janjeerto ee waxaa dhaanto in aad tiraa ilaah kan qeerka noogu jiro na soo xiji ee taas ku ekeeso wax kale wax tari meeso marna hadii aad wax qoree oo aan sax aheen culimada weydii wax aad danbi ama aad ajir ka helee.
pls inta aad qorin iska fiiri>>>>>>>>>>>>>
sxbayaaal marna haku sexanina hana kuso kicina in uu sh shariif noqo wayo madax weynaha wadanka somaliya rajadiisna waa 90%gaska ad shegeysiina waa kan gatay badeena somaliya kana gatay kenya siiyay tasi ma wadani nimaa sxbayaalow
sax sax gas bada ayuu dhiibay runtiii sxb
Intaadan saadasha sameynaa bal numberda iska sax. Percentage aad mid walba siisay marka la isku geeyo waa in ay 100% isku noqdaan.
Shariif 40%
Gaas. 60%
Farmajo 20%
Baadiyow 40%
Adow. 10%
Samatar 10%
Hadii la isku geeyo waa 180%
Fadlan la tasho dad aqoon leh markaad wax qoreyso.
Intaadan saadasha sameynaa bal numberda iska sax. Percentage aad mid walba siisay marka la isku geeyo waa in ay 100% isku noqdaan.
Shariif 40%
Gaas. 60%
Farmajo 20%
Baadiyow 40%
Adow. 10%
Samatar 10%
Hadii la isku geeyo waa 180%
Fadlan la tasho dad aqoon leh markaad wax qoreyso.
MR. SOMALI.
Waa saxantahay sidaa ufekarayso, Qoraagu qibrad umalaha polling ayaa laga yaabaa.. Waxaa laga yaabaa Qoraagu Ilaa-Xad in cilmiga Xisaabta uu duug ka yahay…..Laakiin si ayuu ku saxnaan karaa ee lasoco. Qoraagu kuma odhan 100% of 275 members ayaa vote-kooda Mushariinta uqaybinayaa, taana macquul ma’aha oo 275 Members ma uusan soo waydiin cida ay dooranayaan. Sikastaba ha ahaatee, Waxuu ka wadi karaa, Qofwalba markii loo fiiriyo ifafaalaha iyo niyadiisa, Socodka dadka, magacheynta musharaxa…Tusaale Professor SAMATAR kalsoonidiisa iyo mida uu ka haysto Shacab Random lagu doortay oo Qurbe iyo Dal-joog baleh, shacabkaa oo aan la siin Musharax kale informationkiisa……Tusaale kale Prof: Samatar oo dadkii su’aal la waydiiyay oo lagu yiri maxay idinla tahay Prof Samatar inuu madaxwayne noqdo? oo ku jawaabay 10% In la doorto waa macquul…OGOOW Each Musharax Kaligii hadii uu la doortaha yahay su’aasha aanan lagu darin Musharax kale waa intee inta ku rabta? So Hal-Hal ayaa dadka loo waydiin karaa, markaa % doorasha will vary …..Anyways, Qoraagu waxaa laga yaabaa polling isku-qasqas ah inuu dheg-maqal kusoo sameeyay……….I think still Xisaabtu waa inay 100% isku noqotaa……kkkkkkkkkkk kix kix kix Waxaan damcay inaan Difaaco Qoraaga laakiin waa khalad inaan difaaco sababtoo waa inuu qaladkiisa gartaa oo waxsoo bartaa.
Hala dorto ninka garanayo halka ay wax umarayan ee nagadaya sxbaya dadka hada balanta lagalay kenya oo gadan rabo bada somaliya waa gaas ok by