Kulan Looga Hadlaayey Hawlahha AMISOM oo ka Dhacay Dalka Rwanda

Updated About:261 days ago
0

Warbixin lagu daabacay wargeyska New Times oo kasoo baxa dalka Rwanda ayaa lagu sheegay in xarunta dalkaasi ay kulan ballaaran ku yeesheen saxafiyiinta Africa waxayna ka wada hadleen sidii ay u tebin lahaayeen hawlaha Midowga Africa ka wado Soomaaliya

Suxufiyiin ka kala socota Soomaaliya, Rwanda, Nigeria, Burundi, iyo Kenya ayaa ka qeyb galay shirka, oo ay marti galisay unugta warbaahinta guud ee AMISOM iyagoo la kaashanaya maamulka komishanka warbaahinta Midowga Africa (AU), qeybta nabad galyada iyo ammaanka ee Midowga Afrika, iyo kooxda taageerada war baahinta ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Saxada warku waa tartan sheeko warin, fahamkuna waa furaha. Haddii AMISOM ay qabato shaqo wacan oo aan la soo warin, waa wax aan faa’iido laheyn,” ayuu yiri Patrick Gathara, oo ah la taliyaha Kooxda Taageerada war baahinta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. “La tacaamulka war baahinta waxa ay keenaysaa natiijooyin wanaagsan, marka aad iska xirxirtana waxay keeneysaa natiijooyin aan wanaagsaneyn.”

Afhayeenkii hore ee AMISOM Gaashaanle Sare Paddy Ankunda ayaa sheegay in sumcadda wanaagsan ee AMISOM ee gobolada ay ka dhalatay wada xiriirka saameynta leh ee lala lahaa war baahinta maxaa yeelay “Dadka qaar, oo meelaha qaar ku sugan waxa ay warka AMISOM u gudbinayeen si sax ah, ayna tabinayeen bakeejka saxda ah”.

suxufiyintasi ayaa gabha gabadii isku raacay in ay imaan doonan somalia si ay uga wrbixyaan hawgalka amisom ee Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet