Wararki ugu danbeeyey ee dagaalada Jubooyinka

Updated About:266 days ago
0

Waxaa saakay dagan deegaano ka tirsan Jubada Hoose oo ay shalay iyo xalay maqribki dagaalo qaraar ku dhexmareen Al Shabab iyo ciidamada Isgarabsanaya.

Dagaalki shalay oo xoogiisa ka dhacay magaalada Afmadow ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Al Shabab weerar ku qaadeen halkaas oo ay uga dama mareen ciidamada Dowlada kuwa Kenya ee AMISOM iyo maleeshiyada Raaskambooni.

Inkastoo aanan si cad loo ogeyn oo war madax banaan laga heyn hadana waxaa la leeyahay waxaa jira qasaaro ka badan 20 ruux oo dhimasha ah oo laba dhinac ah.

Al Shabab waxay sheegatay in ay soo riday laba diyaarad oo ah kuwaqumaatiga u kaca oo ay leedahay dowlada Kenya, sidoo kalana ay leysay ciidamo badan oo ah dhinaca kasoo horjeeday.

Laakin Taliyaha ciidamada Dowlada ee Jubada Hoose, Gen. Saxardiid Ismaaciil ayaa sheegay in ay dagantahay magaalada isla markaana dagaalka ay iyagu ku gacan sareeyeen shalay iyo xalay maqribki, waxa kale oo uu sheegay in ay ku laayeen Al Shabab sida uu hadalka u dhigay.

Xaalada ayaa saakay dagan, waxaana goobihi lagu dagaalamay gacanta ku haya ciidamada isgarabsanaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet