Dagaalka oo saddex jiho ka socda ayaa caawa ka qarxay deegaano ku hareeraysan magaalada Kismaayo, dagaalka waxaa soo qaaday Ciidamada Dowladda, kuwa Ururka Raaskaambooni iyo Ciidamada Kenya ee taageeraaya.
Dagaalka oo bilowday galabta gabal dhacii ayaa waxaa ka qayb qaadanaaya diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqaymo u geytay fariisimo ay leeyihiin Al shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee gobolka Jubbooyinka Maxamed Faarax Daahir oo aan la xiriirnay goordhowayd ayaa sheegay in halkaasi ay ka socdaan Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in qorshohoodu uu yahay in ay isla caawa gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalku uu ka socdo seddex jiho oo Kismaayo hareeraheeda ah sida dhanka Badhaadhe iyo meel ku beegan deegaanka Buula Xaaji iyo deegaanka Birta Dheer oo Kismaayo u jira 55-KM.
Dad kusugan magaalada Kismaayo oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xaafadaha magaalada qaarkood laga maqlaayo hubka culus ee la isku adeegsanaayo dagaalka maadaama deegaanada qaar ay Ciidamada huwantu kaga soo dhowaadeen maagalada.
Sikastaba waxaa caawa cabsi iyo kala carar ka jiraa magaalada Kismaayo, dadka ayaa ka cabsi qaba in magaaladu ka baxdo gacanta Al shabaab ama lagu dhex dagaalamo magaalada.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com