Nin Shalay Dil ka Geystay Degmada Xeeraale oo Maanta Lagu Qisaasay Degmadaasi

Updated About:257 days ago
0

Degmada Xeeraale ee gobolka Galguduud maanta waxaa ka dhacday qisaas lagu fuliyey nin kamid ah dadka deegaanka oo shalay dil u geystay qof kale oo isna rayid ah.

Xukunkaan qisaasta ah ayaa lagu fuliyay nin shalay fal dil ah u geystay nin kale oo ka mid ahaa ahaa dadka deegaanka Xeraale.

Fagaare ku yaalla degmada Xeraale ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u badan kuwaasoo u soo daawasha tagay inay daawadaan qaabka ay qisaasta u dhaceyso.

Ninka maanta Xeraale lagu qisaasay ayaa shalay waxaa uu isla Xeraaku dil toore ah ugu geystay nin kale. ayadoona aan ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta.

Sheekh Cumar C/qaadi Aadan oo ah Gudoomiyaha talada Ahlu sunna ayaa sheegay inay sharci tahay in qofkii qof dila isna la marsiin doono sharciga islaamka sida uu hadalka u yiri.

Maaha markii ugu horaysay oo maamulka Ahlusunna ee gobolka Galguduud uu qisaas ku fuliyo ruux horay dil ugu geystay qof kale, dhowaan ayey markii qisaas tan oo kale ah ay ka dhacday degmada Guriceel.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet