Gudoomiyaha baarlamaanka oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Xasan Sheekh yahay madaxweynaha cusub

Updated About:254 days ago
2

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay madaxweynaha cusub ee dalka.

Natiijada doorashada ayuu ka sheegay baarlamaanka hortiisa, isaga oo yiri Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 190 cod, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu keensaday 79 cod.

Dabaaldagyo waaweyn ayaa hada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo rasaas iyo madaafiic loo ridayo madaxweynaha cusub, waxaana cirka ifiyey rasaas cas cas.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha cusub ayaa dalka maamuli doono afarta sano ee soo aadan, waxaana looga fadhiyaa inuu la yimaado isbadal siyaasadeed oo cusub.

Waxa uu noqday madaxweynihi ugu horeeyey ee Soomaaliya oo lagu doorto dalka mudo 42 sano kadib, sidoo kale wuxuu hogaaminayaa dowaladi ugu horeysay oo aanan kumeel gaar aheyn kadib 21 sano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (2)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Hassan says:

    Tani waa sharaf alle hagis katimid

  2. Wiil Habargidir says:

    War dagaal u diyaar garooba, wixii aan usoo halganay maanta
    khasaaro haddii kale. Caydiid qabrigiisa ayuu idinka soo
    habaarayaa , haddii guushisii aad dugaag siiseen.
    Waa in aan ula dagaalano sidii kuwii ka horeyey.

Leave a Commnet