Duqeyn cirka ah oo xalay loo geystay deegaanka Janaay Cabdalla

Updated About:248 days ago
0

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa xalay duqeeyey deegaanka Jannaay Cabdalla ee gobolka Jubada Hoose.

Janaanay Cabdalla oo u jirto Kismaayo in ka yar 50-km ayaa waxaa la sheegay in xalay habeen barki ay ku dhaceen dhowr madfac kuwaasi oo ay wararku sheegayaan in lala eegtay fariisimo ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabab halkaasi ku leeyihiin.

Wali ma cada qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, hase ahaatee wararka qaar ayaa tilmaamaya inuu jiro qasaaro u badan dhaawac.

Kenya ayaa loo maleynayaa in ay ka danbeysay weerarkaasi kadib marki ay todobaadyadi lasoo dhaafay 4 jeer oo duqeeyeen maagalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet