Wasiirka arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri ayaa xalay ka sheegay magaalada Nairobi marki uu ka tagay shalay magaalada Muqdisho in dowladiisa ay garab taagantahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Mr. Ongeri ayaa sheegay in Dowladiisa ay garab taagantahay madaxweynaha cusub iyo dadka Soomaaliyeed isla markaana ay ka guuleysan doonaan caqab kasta oo la hor dhigo sida uu hadalka u yiri.
Hadalkaan ayuu ka jeediyey xalay magaalada Nairobio saacado kadib marki uu ka badbaaday weeraro ismiidaamin ah oo ay Al Shabab ku qaadeen isaga oo kulan kula jiray shalay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hotel ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
War kasoo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay in weerarka hadafkiisu ahaa sidi loogu dili lahaa wasiirka arimaha dibada Kenya.
Kenya iyo Al Shabab ayaa isku kacsan waxaana hada k dhaxeeya dagaal kadib marki ay bishi October ee sanadki hore ay Kenya duulaan kusoo qaaday koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubooyinka oo ay maamulaan Al Shabab.
Kenya waxay sheegtay in hadafkeedu yahay sidi ay u qabsan laheyd magaalada dakada leh ee Kismaayo oo uu daqliga ugu badan kasoo galo Al Shabab, laakin marki ay dalka soo gashay waxaa bil ay uga dhimantahay hal sano.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.