Madaxweynaha Xasan Sh Maxamuud oo Qaabilay Wafdi ka Socda QM Daawo Sawirada

Updated About:251 days ago
0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Wafdiga oo uu hogaaminayey kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Antonym Burneury ayaa kala hadlay madaxweynaha cusub xaalada Soomaaliya iyo sidi ay labada dhinac u hagaajin lahaayeen wada shaqeynta.

Hadal uu siiyey warbaahinta kulankaasi kadib ayuu mas,uulkaan ku sheegay in marka hore uu gudoon siiyey madaxweyne Xasan Sheekh salaan uu uga waday Ban Ki-moon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu u rajeynayo inuu dalka gaarsiiyo horumar isla markaana ay Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso kala shaqeyn doonto sidi ay dowlada cusub u amba qaadi laheyd howlaha horyaala.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalinta birito ah loo caleema saaro xilka madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Comments (0)

Leave a Commnet